Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Max’ed Yuusuf Jaamaca Indha Sheel oo lahadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Deegaanada Maamulka Puntland ayaa ka warbiyey Dagaal ka dhacay Qeybo ka mid Gobolka Sool.
Max’ed yuusuf Jaamac ayaa sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanada Karin Dabeyl weyne iyo Dharkiin geeye ee ka tirsan Gobolka Sool kaasi oo dhexmaray Ciidamada maamulka Soomaaliland iyo kuwa Khaatumo.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa intaa ku daray in Dagaalka lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Soomaaliland oo hogaaminayey Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Gobolka Soo.
Tan iyo markii Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay Gacanta ku dhigeen Magaalada taleex ee Maamulka Khaatumo Fariisinka u ahaa ayaa Madaxweynaha maamulka Khaatumo uu Markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com