Muqdisho(AGGM):Koox Bastoolado ku Hubeeysan ayaa Saaka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku Toogtay Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya.
Waxaana Wararku ay sheegayaan in Dilka uu ka dhacay Xaafada Korontada Ee Degmada Wadajir,ayadoona Dilka ay geeysteen Rag bastoolado ku Hubeysan.
Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Amniga iyo Siyaasada Maamulka Degmada C/fitaax Barre Guure oo lahadlay Warbaahinta MagaaladaMuqdisho ayaa sheegay in Sargaalkaan la dilay uu ka Hoos Shaqeynjiray Taliyaha Ciidamada Nabadsugida ee Degmada Wadajir.
Waxaana Wararkii ugu danbeyey ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Degmada ka wadaan Baaritaano.
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com