Fadeexad+Dhageyso: Saraakiishi Ku Dhaawacantay Weerarki Baarlamaanka Oo Ku Daayacan Dalka Turkiga.

0

Muqdisho (AGGM):Wararka ka imaanaya Turkiga ayaa shegaya in Ciidamo ku dhawacmay Weraarkii Xarunta Barlamaanka,isla marakasna kujira Cisbitaal ku yaal Turkiga laga saaray Halkaas.

Max’ed C/qaadir oo Wareysi siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Saraakiil badan oo uu ku jiro islamarkaana ku dhaawacmay Dagaalo ka dhacay Gobolada Dalka iyo weerarkii Baarlamaanka ay ku Dayacan yihiin Isbitaalo ku yaala Dalka Turkiga.

Waxaa uu sheegay in la dhigay Isbitaalo ku yaala Gobolada Dalka Turkiga,kuwaas oo aysan jirin Cid kula tacaaleysa,oo Dowladda Soomaaliya ay Dayacda,

Madaxda dalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay wax u qabtaan Maadaama aysan joogin Dalkooda,oo Xitaa aysan ahysan wax ay Wax ku iibsanaad,hadii ay ahan lahayd Daawo iyo Waxyaabo kale intaba.

Isku soo wada duuboo Max’ed C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in ay xiriir la sameeyeen unna cid dirsadeen Safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga balse wax jawaab ah  ama xiriir ah la soo sameen, waxuuse amaan iyo mahadnaq u jeediyay sheegayna in  caawinaad ay ka heleen oo kaliya gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Maxamed Cabdi Aden Xoosh oo mar walba ku soo booqda Isbitaalka ay ku jiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com