The Hague (AGGM):Waxaa magaalada The Hague ee wadanka Holland ka socda qabanqaabadii ugu danbeeyey ee shirka xisbiga TAYO ee uu madaxda ka yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, Maxamed Abdilaahi Farmaajo , waxaana shirkaasi kasoo qeybgalaya oo badi soo xaadiray madaxda xisbigaasi ee dalal badan oo dunida ah.
Haddaba Cabdiraxmaan Food oo ah xoghayaha xisbiga TAYO laanta ay ku leeyihiin wadanka Holland ee shirkan martigelinaya ayaa waxaa uu wareysi gaar ah siiyey SOMNEWS TV oo ah TV local ah oo ka shaqeeya wadanka Holland, waxaana uu sharaxaad ka bixiyey halka uu qabanqaabada shirka marayo iyo madaxda ilaa hadda soo gaartay magaalada The Hague.
” Dhammaan laamaha xisbiga TAYO ku leeyahay dunida qeybaheeda ugu muhiimsan ayaa iminka soo gaaray Holland, waxaana saacadana inagu soo aaday inagu soo biiraya Dr, Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo ahaa Ra’iisul wasaarihii loogu jeclaa dalka Soomaaliya” ayuu yiri Mr, Food.
Shirka TAYO ayuu ku sheegay in looga hadli doono xaalka dalka Soomaaliya hadda uu marayo iyo midda mustaqbalka dalkeena uu wajihi doono. Isagoona hami weyn ku qaba inuu xisbigooda yahay mid u taagan dib u dhiska dalka iyo samatabixintiisa.
Shirka ayaa waxaa uu sheegay inuu qeybta hore yahay mid u gaar ah xubnaha xisbiga TAYO ee dalalka kala duwan ka imaanaya, balse waxaa uu sheegay maalinta sabtida ah ee taariikhdu tahay 21 bishan Jun ay noqon doonto maalin dadweynaha ay la wadaagi doonan wixii shirkooda kasoo baxay iyo talooyinkooda ku aadan xaalka dalka.
Wareysigan oo ah mid xiiso badan kala hadlaya qaabka shirka TAYO u socdo iyo talooyinka shacabka Holland ay ku siinayaan shirkaasi halkan hoose ka daawo.
Waxaa wareysiga u qaaday SOMNEWS TV Sayid Ali Maxamed Ali “Caseyr”
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com