Dhageyso:AMISOM Oo Cambaareeysay Dilka Weriye Keynaan.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxa Ariamha Siyaasada ee Taliska AMISOM Xaaji Ciise waxa uu si cod dheer ah u Cambaareeyey Dilkii Saaka Muqdisho loogu geystay Marxuum Yuusuf Keynaan oo ka mid ahaa Saxafiyiinta ka shaqeynayey Muqdisho.

Waxa uu Madaxa AMISOM ee Dhinaca Siyaasada uu sheegay inay ka Codsanayaan Laamaha Amniga Dawlada inay Baaritaano deg deg ah kusameyaan dilka Marxuumkaan loo geystay.

Waxay Taliska AMISOM sheegeen inay ka xun yihiin Beegsiga lagu Hayo Saxafiyiinta Somaliyeed ee Howsha Adag iyagu ku shaqeeya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com