Waddanka Soomaaliya wuxuu ku sugan yahay xaalad aad iyo aad u murugo iyo xanuun badan marka dhinac kasta laga fiiriyo,sida ay wax ku socdaanna ma ahan mid xal loogu heli karo dhibaatada baaxadda weyn leh ee waddanka Soomaaliya ku sugan yahay. Waxaana muuqata inaan dadka Soomaaliyeed ficil iska daaye aysanba ku riyoon sidii ay uga bixi lahaayeen halaagga iyo dhibaatada heysata. Waxaa iyana mudan inaan xuso halaagga iyo dhibaatada waxaa keeney dagaal sokeeye kaasoo aha dagaal siyaasad qabyaaladeysan, isla markaana dagaalka sokeeye ma ahan wax leh sabab”Reason”
Haddii dagaalku yahay mid ku dhisan diin waxaa la oran karaa waa dagaal diimeed xattaa mabhadeed, haddii dadku kala qoomiyado duwan yihiin waxaa la oran karaa waa dagaal qoomiyeed ama Nationality tusaale haddii soomaalida Ethoipia iyo Amxaarada Ethoipia dagaalamaan,ama dadku kala luuqado iyo dhaqan kala duwan yihiin intaas oo dhan soomaaliya kama jiraan weligeedna kama jirin. Su’aashu waxaay tahay Dagaalka sokeeye maxaa Keeney ama maxaay tahay sababtiisu?
Dagaalka sokeeye waxaa keeney Qabyaalad siyaasadeysan,qabyaalad siyaasadeysanna waxaay keentey in qabiil inta la hubeeyo lagana dhaadhiciyo xukunka ama sadanada waddanka ayaan ku qabsaneynaa qori caaraddiis. Hammiga noocaas ahna wuxuu ahaa mid soo jirey waqti dheer,welina waxaa xalkii iyo nabaddii soomaaliya hortaagan qabyaalad la siyaasadeyeey isla markaana xukun doon ah.
Cudur lama qurxin karo lama xanaaneyn karo laakiin in la dabar gooyaa ayaa waajib ah.Haddii qabyaaladdii siyaasadeyneyd isla markaana dhashey maamulo qabiil ku dhisan, leh maleesiyo beeleed hubeysan,madaxweynayaal, xiriir caalami leh,dhulka,hawada iyo Biyaha(Territorial Water) u go’an Maamul Beeleedka intaas marka la sharciyeeyo,haddana inaan ka hadalno dowladnimo soomaaliyeed, qarannimo soomaaliyeed, midnimo soomaaliyeed waa wax aad loogu qoslo isla markaana dadka Soomaaliyeed rajo ka muujiyaan iney dhibaatada habkaas uga baxayaan waa waalli kale. Dadka Soomaaliyeed waxaay daawanayaan “ HARAG-YIBIR” markii si fiican loo darsey dhinac kastaba waxaa la isla gartey in Soomaalida loo sameeyo “ HARAG-YIBIR” si ay u daawadaan laguna maaweeliyo.
Soomaalidu iney xal ka raadiso qabyaaladdii oo la sharciyeeyey,waxaay la mid tahay ninkii waalnaa ee la yiri weel daloola biyo ka buuxi isla markaana ninkii uu doonayo inuu buuxiyo weelkii dalooley. Soomaaliya kuma socoto habkii ay kaga soo kaban laheyd burburkii ku dhacay,laakiin waxaay ku socotaa jidkii ay ku dabar go’I laheyd haddii anaan lala imaan feker iyo aragti ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan,waxaana qaldan nadaamka magac u yaalka ah ee waddanka ka jira waana nadaamka ah in soomaaliya laga hirgeliyo nadaam ku dhisan Dowlado qabiil ku dhisan. Nadaamka Federalka wuxuu keeney iyadoona la gaarinba dhaqan gelintiisa in meel walba soomaaliya ka mid ah waxaa ka socda dagaalo beeleed hanasho dhuleed ku saabsan.
“ Oraah Soomaaliyeed baa waxaay oraneysaa waxaad naftaada la jeceshahay walaalkaa la jeclow”, taas waxaan ula jeedaa Professor Cabdi-weli Gaas isla markaana sheegta inuu yahay madaxweyne Dowlad la yiraahdo Puntland asagoo maalmo yar ka hor ka hadlayey qeyb cusub oo lagu daray Airport ku yaalla Magaalada Boosaaso,haddaladii Professor Cabdi-weli waxaa ka mid ahaa sidatan: wuxuu yiri in horumar la gaaro waxaa loo baahan yahay Maal gelin,maalgelintiina waxaa hortaagan dadkii oo dhulkii kala sheeganaya,su’aashu waxaay tahay Professor Cabdi-weli haddii uu sidaa u fahansan yahay dhibaatada ay leedahay degaankaan reer hebel baa iska leh, annaagaa iska leh isla markaana Cabdi-weli uu ka mid yahay kuwo geed dheer iyo mid gaaban u fuuley welina u fuushan in Soomaaliya laga sameeyo dowlado qabiil ku dhisan,asna uu hadda u jeedo ficil ahaan fool xumada ay leedahay qabiilada dhulka kala sheeganaya,side nadaamkaas faa’iido ugu noqon karaa Waddanka Soomaaliya,suurto galna u tahay in dib loo soo celiyo karaamadii iyo sharaftii ay ummaddu laheyd,,lana dhiso dowlad soomaaliyeed kuna dhisan midnimo Soomaaliyeed.
Hadda waxaan la socdaa amaba dad badan og yihiin in la magacaabay guddi loogu magac daray guddiga dib u eegista Dastuurka Qabyo qoraalka ah,isla markaana uu Baarlamaanku ansaxiyey 19/06/2014,waxaa kale oo jira guddi baarlamaanka ka tirsan asna qaabilsan Dastuurka. Su’aashu waxaay tahay maxaay ku soo kordhin karaan ama ka bedeli karaan Nadaamka saldhiggiisu yahay jahawareerinta Soomaalida dhibaateysan?,waxaan aaminsanahay wax ay soo kordhinayaan ineysan jirin waxa kaliya ay xoojinayaan qeybna ka qaadanayaan waa “Filmkii Masasaslka ahaa waqti dheerna soo socday Magaciisuna ahaa”Harag-yibir”, Marka aan is weydiino waa maxay Harag-yibir? Harag-yibir waxaa waaye Nafka Lo’da ah ama Saca marka uu dhalo ilmahuna ka dhintaan ama uu ku dhasho nolol la’aan si Saca Caanaha looga maalo waxaa loo sameeyaa Haraggii Ilamaha ayaa laga dhigaa muuqaal u eg sidii asaga oo nool oo kale markaas baa Sacii ogolaadaa in Caanaha laga maalo sidaa baa loogu bixiyey ” Harag-yibir-na waa fake ma ahan wax jira ama real life waana muqaal been ah.
Sidaa awgeed Soomaaliya waxaa lagu soo maaweelinayey muddo ka badan 23 sano,welina waxaa lagu horwadaa “Harag-yibirkii” in wax been cad ah loo soo dhoodhoobo isla markaana aan lagala tashan ummadda Soomaaliyeed lana yiraahod xal bay iidin tahay,laakiin ah Godkii Soomaalidu ku dhammaan laahaayeen.
Soomaaliya xal bay u baahan tahay,nadaamka waddanku ku socdo ma ahan mid soomaali isku keenaya,laakiin waa mid sii kala fogeynaya, waa mid meesha ka saraaya jiritaankii qarannimo soomaaliyeed, midnimo soomaaliyeed. Waddanku wuxuu u baahan yahay Xal,Xal kaliya ma ahane wuxuu u baahan yahay Badaado Qaran, xalkuna wuxuu yahay in la bedelo Dastuurka Federalka ah, waayo Federalku ma ahan mid xal u keenaya dhibaatada Soomaaliya ka jirto.
Waxaa mudan in la is weydiiyo laba arrimood kalana ah Soomaaliya maxaay u baahan oo ka maqan,maxaayse tahay dhibaatada Soomaaliya ka jirta ama salka ku heysaa?soomaaliya waxaa ka maqan dowladnimo,haddii aysan jirin dowlad micnaha waxaa waaye Qarannimo ma jirto,haddii aysan jirin Qarannimo micnaha waxaa waaye Soomaalinimo ma jirto waayo waa arrimo isku wada xiran.Tusaale Soomaaliya markii ay ka jirtey dowlad waxaa jirey qaran soomaali leedahay,markii uu jirey qaran Soomaali leedahay waxaa jirey Soomaalinimo.
Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waa Qabyaalad ahna qabiilkii oo la siyaasadeeyey,waayo dhibaatada Soomaaliya waa siyaasad,halbeegga siyaasadda Soomaaliyana wuxuu noqday qabiil.Sidee bay xal u noqon kartaa qabyaaladdii la siyaasadeeyey in la sharciyeeyo ( to give Legitimacy for tribalism).Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya in 1991,waxaa Soomaaliya indho ,caqli,aqoon u noqday waddamada deriska la ah Soomaaliya qaas ahaan Ethoipia iyo Kenya,waqtiga xaadirka maxaa ka taagan ama aka dhacaya Kenya,waxaa ka jira qalqal siyaasadeed waana qabyaalad wax kale ma ahan,waxaana qiray taas Madaxweynaha Kenya UHURU,Soomaalidu waxaay tiraahdaa maal madaxa la sareysa oo la salaaxo ma jirto,micnaha taas ma ahan mid mugdi ku jiro,waan ogahay in kuwo badan oo Af Soomaaliga ku hadla ay Uur yeelanaya haddii dhibaatada Kenya la sheego,waxaa kale oo caddeyn ah in Kenya ay ku dhaqanto maskaxda duugooday ee qabyaaladda ku dhisan,waxaay la timid Soomaaliya afkaartii qabyaaladda iyadoo taageero siineysa beelaha Soomaaliyeed qaar ka mid ah. Ma suurto gal baa iney Kenya xal noo keento mase way isku keen direysaa si ay noo kala qeybiso.
Laakiin waxaan ogahay nasiib darrada Soomaalida heysata isla markaana ay Kenya ka sugayaan iney ka caawiso dib u dhiska dowladnimo Soomaali leedahay.Tusaale waxaan filayaa iney aheyd ku dhawaad laba sabtamaan ka hor ama ka yar markii la xusayey wax loogu yeerey Ethoipia-yada cusub ama New Ethoipia> Madaxweyhana Soomaaliya Jaalle Xasan Sheikh Maxamuud ayaa mark uu ka hadlayey munaasabaaddaas wuxuu yiri “ waa inaan ka barrannaa Dowladnimada waddamada Deriskeena ah weliba waxan ka heleynaa Buugag ay ku qoran yihiin Af Soomaaliga sida kilanka shanaad ama Gaarisa!.Hadalka ka soo yeerey Jaalle Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu ahaa mid xanuun badan oo aan laga fiirsan gef weyna ku ah ummadda Soomaaliyeed! Soomaalidu waxaay tiraahdaa ilaahoow qof ama nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
Laakiin Xasan Sheikh ma oga Kenya iney tahay waddan qabyaaladdu dilatey marka dhinac kasta laga eego isla markaana waddan aan laheyn nadaam dowladnimo oo u noqon kara taabbo gal qoomiyadaha ku nool Kenya, hadda waxaay isku leynayaan weliba si fool xun waa qabyaalaad,laakiin Alshabaab baa u tiraahda annagaa dhibkaas ka dambeyney! Waxaan xasuustaa 1984’s Macalimiin Soomaali ah isla markaana dhaqaalaha ka dhigi jirey Kulliyaddii Siyaasadda ee Soomaaliya waqtigaas waxaay oran jireen marka laga hadlayo dhaqaalaha weliba dhinaca maal gelinta marka la is bar bardhigo labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya kan ku wanaagsan maal gelinta wuxuu ahaa waddanka Soomaaliya waayo waxaay dheheen qofka soomaaliga weliba kan miyiga Jooga wuxuu isticmaalayaa Raadiyaha,kabaha,saacadaha,dharka,sigaarka,recordhada micnaha waxyaabaha laga isticmaalo magaalooyinka waxaa isticmaalaya Soomaaliga Miyiga ku nool,laakiin Kenya waxaay ku tilmaameen in Magaalada Nairobi ay tahay Half London,laakiin marka aad magaalada ka baxdo dadku waa qaawan yihiin iskaba daa wax kale oo ay isticmaalane.
Isku soo wada duub Qabyaaladdu waa cudur helis ah inuu bulshada naafeeyo mooyee wax tar ma lahan,wuxuuna sahlayaa kala qeybsanaanta ummadda Soomaaliyeed sidaa awgeed cudurka qabyaaladdu wuxuu mudan yahay in la dabar gooyo,cudurka iyo wixii keeni karaba waa la iska fogeeyaa,laakiin lama xanaaneysto lamada korsado, qofka qaba cudurna kuma faano waaba uu qarsadaa aan ka heyn dhaqtarkiisa.Sidaa awgeed qabyaaladdu waa cudur mudan in laga cararo,qofka ku dhaqmana loo arko inuu yahay qof jiran,isla markaana Qatar ku ah bulshada iyo hab nololeedkeedaba. Waddanka Soomaaliya wuxuu u baahan yahay nadaam Democracy ah,sharci iyo kala dambeyn,sinnnaan iyo caddaalad,waxaan u jeedaa soomaalida oo ka carareysa iney ka hadashao Democracy,una carareysa federalism isla markaana qarineysa nadaamka democracy-siga muhiimadda uu leeyahay, waxaad arkeysaa mid mabaadidii ay laheyd democracy-ga ku wareejiyey nadaamka federalka ah si dadka soomaaliyeed loo marsiiyo waayo federalku ma ahan wax iska yimid ama cirka ka soo dhacay dad ujeedo fog leh ayaa ka soo shaqeeyey,una istcimaalamay kuwo Soomaali sheeganaya ahna Harag-yibirkii Soomaalida la hor dhigey si loogu maaweeliyo. Kacaankii 21 October 1969 wuxuu ka dhashay waxaay ahaayeen qabyaalad aad iyo aad u fool xun oo waddanka Soomaaliya ka jirtey,markii ay gaartey heerkii ugu sareeyey qabyaaladduna waxaay keentey inuu dhaco is bedel aan dhiig ku daadan,waayo waxaa jirtey baahi weyn oo loo qabay inuu dhaco is bedel siyaasadeed.
W/Q:Dr. Dahir Nur Jama ( Dr. Truman)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com