Dhageyso: Madaxweynaha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Isku Khilaafay Maamulada Lixda Iyo Sadexda Gobol Ee Koonfur Galbeed.

0

Muqdisho (AGGM):Madaxda ugu Sareeysa Dalka Soomaaliya ayaa isku Fahmiwaayey Mooqifka ay ka qaadanayaan mideynta Maamul Goboleedyada Lixda Gobol iyo Saddexda Gobol Ee Koofur galbeed Soomaaliya.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga yeeray Warbaahinta maanta ,ayagoona markii mudo ay sugayeen Mooqifka Dowladda Markii danbe lagu wargaliyey Saxaafada in Dib loo dhigay.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku kala Aragti duwanaadeen Cida Mudan in la Aqoonsado.

Waxaana Wararku ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sh Cismaan Jawaari uu cadaadis kala kulmayo Odayaasha iyo Siyaasiinta Dhistay Maamulka Lixda Gobol,ayadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Daneeneeyso Maamulka Saddexda Gobol ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com