Dhageyso:Ciidamada Dowladda Oo Xalay Ku Dilay Degmada Ceelbuur Rag Ka Tirsanaa Al Shabaab.

0

Ceelbuur (AGGM):Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa Faah-faahin ka bixiyey Dagaal ka dhacay Degmada Ceelbuur oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AL-shabaab.

Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ee Degmada Ceelbuur Max’ed Kaariye Dhaga dheere oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Al-shabaab ay soo Weerareen fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Ceelbuur.

Max’ed Kaariye ayaa sheegay in Dagaalka looga Dilay Al-shabaab Labo Ruux oo uu ku jiro Amiir ka tirsan Al-shabaab oo Degmada si weyn looga yaqaano.

Waxaana uu sheegay in sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya aysan wax Khasaaro ah ka soo gaarin dagalka ka dhacay Degmada Ceelbuur.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com