Dhageyso: C/wali Xirsi Indho-guran “Hadaan Nahay Maamulka Puntland Weerar Kuma Nihin Maamulka Somaliland”.

0

Garoowe (AGGM): Xili wali Qeybo ka mid ah Gobolka Sool ay ka jiraan Xiisad Colaadeed oo u dhaxeysa Ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo Puntland ayaa maamulka Puntland waxaa uu sheegay in uusan Dulaan ku aheyn Soomaaliland.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland C/wali Xirsi Indho-guran ayaa sheegay in Puntland aysan Cidna Duulaan ku aheyn islamarkaana ay lagama Maarmaan tahay in Puntland ay Dhulkeeda Difaacdo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa soo dhaweeyey cid walba oo Soomaaliland ku Cadaadineysa in ay ka baxdo Dhulka ay Puntland ka haysato.

Isku soo wada duuboo warkan ka soo baxay maamulka  Puntland ee ah in aysan Cidna ku Duuleeyn ayaa waxaa uu imaanayaa Xili hore Maamulka Puntland ay sheegeen in ay Xoog uga Saarayaan maamulka Soomaaliland dhulka ay Puntland ay ka haysato.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com