Dhageyso: Maxamed C/laahi Farmaajo “Dowladda Waa Inay Soo Qabato Cidii Dishay Weriye Yuusuf Keynaan, Weriyeyaashana Waa Inaysan Baqin Waxaa La Doonayaa In Leydin Aamuusiyo”.

0

Muqdisho(AGGM):Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/laahi farmaajo oo Wareysi siinayey Warbaahinta gudaha ayaa ugu horeen ka Tacsiyadeyey Geeyridii ku timid Marxuun Yuusuf Axmed Abuukar”Keynaan”oo 21-kii Bishaan Gacan ka Xaqdaran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa Ehelada Yuusuf Keynaan iyo Shacbka Soomaaliyeed oga Tacsiyadeeyey Geeyrida ku Timid Marxuunka,waxaana uu Alle oga baryey in uu Janadiisa Geeyo.

Mudane Farmaajo Raisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabtaan Dilka loogeeysannayo Wariyaasha Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Dalka ee Muqdisho,oo uu ugu danbeeyey Wariye Yuusuf Keynaan.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay Cid walba oo Suxuufi soomaaliyeed Disha ay Sharciga horkeento si Cadaalada loo marsiio,maadaama ay tahay Dowladda Caalamku uu Aqoonsan yahay.

Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa dhanka kale Saxaafiyeenta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u dhabar adeegaan Dhibaatada ay ku shaqeenayaan islamarkaana Dalkooda iyo Dadkood ay u Shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com