Muqdisho,AGGM—Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo markii ugu horeysay ka hadllay dagaallada qabiilka ku saleysan ee ka jira qeybo ka mid ah gobollada dalka, ayaa ka digay sii socoshada dagaalladaas.
Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in ay haboon tahay caqligu in uu taliyo maadaama buu yiri horey loo soo arkay dagaal beeleedyo, khasaare mooyee wax kale oo laga faaiideyna aysan jirin, isagoo beelaha iska horjeeda ugu baaqay iney dagaalka ku bedelaan nabad iyo wadahadal.
“Dagaal beeleedyada ka jira qeybo ka mid ah dalka waa kuwo nasiib daro ah xiligan oo dowladnimo loo soo socdo, waana nooc ka mid ah taageero la siinayo Al-shabaab, maxaa yeelay waxay naga mashquuliyaan sidii cadowgaas aan ula dagaalami laheyn” ayuu yiri madaxweynaha.
“Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka waa inay u istaagaan inaysan xabad dhicin oo wax waliba lagu xaliyo wadahadal iyo nabad” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo dhinaca kale ka digay in la kala taageero beelaha dagaalamaya.
Isku soo wada duuboo Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili dagaal beeleedyo salka ku haya aano qabiil iyo dhulal la isku heysto ay mudooyinkan ku soo laalaabayeen degaano qaar ka mid ah gobolada dalka sida Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Galgaduud, Hiiraan iyo meelo kale kuwaasoo salfaday nolosha dad badan.q
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com