Kismaayo Oo Marti U Noqtay Meyd Iyo Mowjad Dagaal.

0

Laga yaaba marka aad indhaha saartid cinwaankan inaad deg deg go’aan ku gaartid isla markaana caro u qaadid Saxaafadda Soomaaliya kuna tiraahdid war nimankan been badanaa waxay doonaan ayay iska qoraan Nin aan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto, waxaa hortiisa taagan ma garto waxaa soo socdana ma garan karo haddii raq sokeeye badato runtibaa laga beyray, waxaan marqaati ka nahay in raq sokeeye badatay sababtuna ay tahay runti oo laga beyray, taas garannaye waa maxay beenta meesha taallo ee raqda sokeeye badisay? aan u gud galo Maqaal kaygaan aan ugu magac daray

{Kismaayo oo Marti unoqtay Meyd iyo Mowjad Dagaal}

Kismaayo waxaa la aas-aasay qarnigii 18 dhamaadkiisii aaskii magaalada xeebta ah ee Kismaayo, waxaa ugu horeeyey oo bud-dhigay, aas-aasay kismaayo calankiisiina ka taagay Sheekh Xassan Calanleey, halkaasna ku heystay dariiqo, calanley waa calankii dariikhada ee sheekh xassan calanleey. Xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo isaga ayaa loogu magac daray, waana meesha uu ku duugan yahay ee qabrigiisa ku yaalo ilaa iyo haatan, waana xaafada magaalada ugu faca weyn ee uu Sheekha ka aas-aasay magaalada Kismaayo. Qabriga sheekha xilliyadii jaahiliga dadka reer Kismaayo waay siyaaran jireen ilaa iyo goordhow .

Magaalada Kismaayo waxay soo martay marxalada kala duwan, dagaalo ba’an oo u ku dhexmaray, Dadka degan Jubaland. iyo Gumeystiyaashi dalka ku soo duulay, Burtaqiis, Ingriis iyo Talyaani oo xitaa dagaalka soo ka xeystay Ciidamo Somali uu maraakiib ku soo daabulay oo inta badan laga keenay gobalada Barri 1954-kii. Dhamaan dagaaladaasi Gumeystayaashii waxaa quusiyay Dadka dega Jubaland, isla markaasina u diiday inay ku nagaadaan ciida Jubaland.

Kismaayo waxay noqotay meel ninkii nolol u soo doonta iyo kii habeen safar ku maraba uu iska sheegto, iyadoo indhaha faraha laga gelinayo dadkii SADE ee Magaalada iyo dhulkaba lahaa .Kismaayo waa xarunta SADE, laakiin waay fadaroowday,nijaasoowday ,waxayna u baahantahay in dib loo soo celiyo sumacadeedii ay laheyd, loogana dambeeyo dadkii lahaa.

Intabadan marka laga hadlayo Kismaayo dadbadan oo soomaaliyeed ayaa iswaydiiya maxay tahay sababta ay magalaadani utahay meel xasaradaysan. Haddaba Sida lawada ogyahay waxay Jubbaland kakoobantahay Sadexda Gobol ee kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Xiligii u tartanka Afrika ee reer Yurub ay ku boobeen khayraadka dhulka, badda iyo muruqa dadka rer Afrika, dhulka Jubbaland waxaa ka dhacay dagaalo caan ah. Gaalo Madow ayaa waxaa ku kacay xoogag reer Gedo ah oo ka dhiidhiyay awoodii ay ku maquunin jireen dadka iyagu arxanka aan lahayn ee Gaalo Madow. Abaanduulayaal caan ah ayaa ciidamo isku duwday kuwaas oo berigii dambe Geelayda geiyga ay meerin jireen, “Waxay cuntiyo, ceel ay ka cabto ma waynine, Cabdille Gaab, Sheekh Cali iyo Ciyaa u jooga.” Baardheere ilaa Baraawe ayaa ciidamo laga abaabulay kuwaas oo wiiqay awoodii gaalo madow ilaa lagu eryay xaduudaha Kiinya iyo Itoobiya.

Haddaba ciladaha sooomaalida waxaa kamid ah in aan waxlaysku ogolayn intabadana reerkastaa tiisa uun eegto. Laakiin inta badan xaqiigadu waxay timaadaa marka xaalku xumaado.

Dabcan deris baa la yahay, haddana dabka la ma kala shito, dun wadaag baa la yahay dugaashina inaga ma dhaxeeyo, sababtoo ah wixii ka danbeeyay qeybsigii kulankii berlin 1884 derisnimadu god bey ku dhacday dhurwaayaduna miciya lisid bey billaabeen damiir waddaniyadeed baase waran adag la hor taaganaa oo intaa yur yureynayay!.

Qaran jabkii Soomaaliya ku dhacay ka dib, dhurwaayadu, waxey iska dhaadhiciyeen iney dhex xuluulan karaan xuduudaha ay soomaaliya iyaga la leedahay dhinac kastaana wey ka soo weerareen, iyaga oo gabbaad ka helayay kas gaab rabtay iney dhurwaayada rabbeeyaan, laakin waxey moogaayeen inuusan dhurwaagu rabbaayad noqon karin.

Aan is weydiinnee muxuu yahay dagaalka iyo damaca lagu hagar daameynayo umadda Jubaland., muxuuse u dan leeyahay deriska dhibaateynta ku haya dalka iyo dadka soomaaliyeed?:-

Keenya damaceedu waa inaan laga hadlin dhulka iyo dadka NFD ee ay mar hore xalaashatay iyo iney dhul badeedka soomaliya qeyb xaggeeda marsato, si ay ugu suura gasho shidaal halkaasi lagu sheegay, kaasoo ay gadaal ka soo riixeyso shirkad laga leeyahay dalka Norway, sababtaa darteed baana ku qasbeysa faragelinta jubbyinka iyada oo mar marsiinyo ka dhiganeysa shabaab beynu ceyrsaneynaa.

Bahalka dilaaga ah ee lagu magacaabo dhurwaaga ama waraabaha, waa xayawaan aad iyo aad u naxariis daran oo aan sida libaaxa xarrago wax u cunine xoolaha safmar ku laaya oo weliba si iimaan la’aan ah u xasuuqa, haddii aanay meesha ka muuqan cid ka ceshata oo xoolahaasi ilaashaneysa!.

Adiga oo dhashay 1960 waa aflagaaddo wiilkii dhashay 1963 ee aad seddex sano ka weyn tahay inuu kugu yiraahdo waa “ilmaheygii”, inaad ka hadli weydana waa ceeb ku saaran, ogowna waraabe waa un waraabe marna kuma cafinayo

Waa yaab’e dadku ma waalan yihiin mise waa ay miyir qabaan? anigu sida ay illa tahay waqtigan xaadirka ah dadkan xaalkooda u daaya Waali, balase adinkuna xaq ayaad u leedihiin inaad fikirkiina ka dhiibataan, waa intaas oo aan qaldanahay aniga’e.

Aqoontu mid diini ah iyo mid maadi ahba waa qaali’e Waase yaab’e maxaa waalaya qaar kamid ah BEESHA SADE ee ugu bururayaan kaarkan beenta ah ee soconaya mudada gaaban anoo ulla jeeda awr kacsiga

illaahay ha waafajiya wixii qeyr ugu jira umada soomaaliyeed si guud ahaaneed iyo walaalaha dega gobaladaas si gaar ahaaneed Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

Prepared by Saciid Abdullahi Dirie {sayidusadaad}

Email:- badbado12@hotmail.com/ binsaciid2006@hotmail.com/ fafed60@yahoo.com

Tel: +252616750811- +252616863555
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com