London, AGGM: Fanaanka Cabdirisaaq Gaadaco ayaa madal ay ku wada sugnaayeen fanaaniin iyo siyaasiyiin Magaalada London wuxuu ka tumay amaba ka qaaday hees cusub oo Mucaarad ah taas oo lagula hadlayay damaciyiinta ku wareeray siyaasada Soomaaliya waa Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisulwasaare Cabdiwali Sheekh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh iyo dhamaan kuwa danaha gaarka ah leh ee aan doonayn in dalkeenu gaaro Horumar dhan walba ah iyo Nabad Waarta.
Heestan ayaa waxa ay xambaarsan erayo xusiisin iyo canaan lagu xasuusinayo Ilmo Sheekh waxii dalka uu soo maray 23-kii sano ee la soo dhaafay iyo inaan dalka iyo dadka wadadii foosha xumeed dib loogu celin.
Halkaan Ka Daawo Heesta “TOOYOOY Dadka La Mid Noqo”…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com