Washington DC, AGGM: Soomaali badan oo ku noolMagaaladda Washington ee Dalka Mareyknaka gaar ahaan Jaaliyadda ka soo jeeda Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo, ayaa waxaa ay ku hor banaanbaxeen Aqalka Cad ee looga arimiyo Dalka Mareykanka iyagoo muujinaya sida ay uga soo horjeedaan Qabsashadda ay Somaliland qabsatey Magaalada Talex ee xarunta u ah Maamulkooda.
Sidoo kale dadkan Banaanbaxayaasha waxaa ay ku hor bananbaxeen Xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka, iyagoo codsi u direyWasaaraddasi gaar ahaan waxdeeda Africa qaabilsan.
Qaar ka mid Banaanbaxayasha ayaa ku baaqay in Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay ka baxaan Dhulka Maamulka Khaatumo sida ay sheegeen.
Rashiid Gaaruf Wakiilka Somaliland Mareykanka u jooga oo ayWareysatey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegey in Somaliland Taleex ay u tagtey sidii ay u xaqiijin laheyd amaanka Dadka halkaa ku nool.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com