Xuska sanad guuradii 51-aad ee qaranimada Soomaaliya ayaa ku aadaneyd 1Luulyo, hadaba maalinta caynkan ah ayaa marka la fiiriyo xusuusta dadyawga fakaraya ama dareensan jiritaanka iyo damiirkooda dadnimo u ah maalin qiimoweyn ugu fadhida, iyagoo sidoo kale aanan marnaba maskaxdooda ka saareyn xasuustii madoobeyd ee waayihii gumeysigu baday, sidoo kalena aan ilaaweyn geesiyadii naf iyo maalmba u huray calanka la harsanayo maanta.
Marka aad eegtid qiimaha iyo tayada ay ugu fadhido maalintan dadyowga Soomaaliyeed, ayaad waxaa dareemeysaa umad siloon in ay yihiin, kuwo aanba fahamsaneyn nasiibka eebe ugu deeqay, kuwo ayan u muuqan waxa gacantooda galay ee ka qaalisan wax walba oo dunidan jira maanta, kuwa aad isleedahay nolosha ayba nool yihiin ayaa khalad ku ah aduunkan.
Isweydiin mayno Soomaalida maanta waqtiga xuni cagta ku hayo, kuwan oo garasho iyo gaardba ka lumay, aanse gadaal ugu laabano fahamkoodii hore ee xornimada iyo maalin caynkan ahi waxa ay ugu fadhiday.
Jaahilnimada ayaa waxa ugu xun mida curyaamisa garashada dadka, taasoo kuu diideysa fakar iyo horusocod midnaba, taasina waatan Soomaalida ku gaafwaregeysa had iyo goor.
Maxay Dowladnimada Soomaalidu u Tiqiin 1960?
Marka horeba ma ayan heyn waxa macnaha Dowladnimo xambaarsan yahay, markii ay isweydiiyeen kuwoodii ugu tugtugroonaa ayaa sifaha ay ka baxsheen waxa uu noqday mid lagala soo bixi karo suugaantoodii, iyadoo Soomaaliduna wax walba suugaanta iskugu gudbin jireen.
Ma gurna candhalee
Golaha marisee
Aan maalno
Hasheena maandeeqa
Hashii Maandeeq ayaa Qarannimadii lagu suureeyay!
Dowladnimada ay Soomaali ku suureysay hasha Maandeeq la yiraahdo, ayaa runtii anigu ku tilmaami lahaa mid ka mid ah marin habowga Soomaaliyi ka marin habowday macnaha Qaran iyo Dowladnimaba, sababta aan taas u leeyahayna waxa ay tahay mid uu raadkeedu muuqdo maanta.
Waxa ayna tahay marka hore in aad ogaatid kaalintii Geelu ku lahaa dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas.
Geela ayaa ahaa waxa ugu qaalisan ee xiligaas Soomaali gacanta ugu jiray, nolashooduna ku xirnayd, kan badbaadana waakan qaalmo u soofi jireen.
Ma xuma in uu qiimo weyn ugu fadhiyo, balse wali ma qaadan kartaa in Qarannnimada lagu suureeyo qaalin sanado uun noolaaneysa?
Qaalin nin inta uu xero ku ooto inta kalena ka xigo.
Qaalin wiili ul la dabajoogo.
Qaranimaduse ma tahay mid maalmo,bilo,sanado ama xili cayiman lagu koobi karo?
Maxeyse aheyd Dhaqankii Geela laga aaminsaa?
Geela ama hasha Maandeeq ee qaranimada lagu suureynayo ayaa Soomaalidu gebi ahaanba ka aaminsaneyd ninka ay habeenkaa u hoyato in uu leeyahay!
Inta aanan micno kale galin hadaba Qarinmadu ma tahay mid ninkii habeenkaa u hoyato (Waa Madaxweynaheeda) uu leeyahay?
Inagoo xasuusan in Geela Soomaalidu dhac uun ku jiray, oo habeenba reerka qaalmo u hoyanayeen la gacan marinayay inta guluf lagu soo qaado.
Sidoo kale ayaa Hasha Maandeeq anfaceedu ku ekaanayaa ninka dhaqashadeeda leh iyo qoyskiisa!
Qarannimada miyaa hadaba ah mid ay anfacsadaan qoys iyo reer qura?
Waxa Soomaali Haligay miyaysan aheyn Qarannimada Maandeeq lagu Suureeyay?
Tani waa marag madoonto, qaranimadiina ilaa maantadan aan joogno Soomaali geel ayuu ugu fadhiyaa, waxana taas aaminsan kuwa Aqoonyahanka, Culumaa’udiinka, Caaqilada, iyo Dhalinyarada u ah, ee nool qarnigan 21aad.
Halaaga Soomaaliyeed ayaa sifahaas lugta ku haya, waana waxa Soomaali dowladnimada u diidan tahay, iyagoo u arka Hal nin gurigisa geystay, asaga iyo qoyskiisiina anfaceysa, tanoo wax kale oo ka galay ayan jiran.
Waa waxa reer walba uu ugu fakarayo in hasha Maandeeq gurigiisa joogto, hadii ay dhici weydana weerar iyo guluf aan kala joogsi laheyn uu ku qaadayo cida uu aaminsanyahay in ay u hoyato.
Waa waxa sahlay in xaalka Soomaaliyeed saldhigan waayo, lana fahmi waayay waxa la isku hayo iyo halka arini ka murgacan tahay.
Waa waxa ay ugu wada doodayaan, marka la weydiiyo sababta ay qaranimada iyo dowladnimadaba u ilaashan waayeen HAL XAARAAN AHI, NIRIG XALAAL AH MA DHASHO?
Waa waxa u muuqanaya qoyska Soomaaliyeed ee aaminsan Maandeeq marka uu gurigiisa ka waayo in nolal danbe oo u hartay ayan jirin, isagoo markaasna ku dhaqaaqay sifo kasta oo xun ee uu isleeyahay kusoo hano hashan dhac u joogta ah.
Waa waxa ay ilaa iyo hada u aamini la yahiin in qaranimadu aysan aheyn mid qoys ama qolo ay anfacsato, mid reeri gaar u leeyahy, mid ku xiran xili ama xaalad cayiman in ay ka turjunto, mid aan lakala xigsan, mid in aad koolkoolisid maahee aanan kaa mudnayn in aad cadowga u looshid.
Hadaba talada iyo waanada aaan Soomaali usoo jeedin lahaa ayaa noqoneysa in marka hore ay gadaal ugu laabtaan xornimadii ka hor, halkaasna ay kasoo bilaabaan in ay isla fahmaan Magaca qaranimo iyo Dowladi waxa ay noqoneyso, marka ay kala aqoonsadaan oo fahamkii Geela lala xiriirinayay meesha laga saaro, ay si tartiib toobiyahan cusub cagta u saaraan, ayagoo qiraya in wado qardajeex ah ay nus qarni jafayeen qarinnimada iyo Dowladanimadana meel khaldan ka raadiyeen.
Maansadii: Marinhabowga Qarannimo
Maalintii qarannimo
Maandeeq loogu yeeraa
Macnaheedii uu lumay
Waa maragmadoontee
Mugdi kii dugsanayoow
Mahadhadeeda ila arag
Waa waxa mudnaantii
Qaran loo mirtirin jiray
Halba lagu mataalee
Waa waxa Maskaxahii
Iyagoo macnaha Baran
Ama meersan dowladnimo
Geela loogu meershee
Soomaalaay Majnuunay
Umad meehanowdaay
Maxaa helay dadkaagii
Mushkiladu xagey tahay
Mahalagan ayaa dhigay
Ayaa mariyay ubadkii
Maxastii ayaa dilay
Mootarada holcaayoo
Maatada askaaxdana
Yaa maleegayoo wada
Yaa kaa macaashoo
Ka mushtara xumaantaa
Yaa maciinsaneysaa
Asna kuu maciinfalin
Malahey sidaan qabo
Ma aadan xisaabtamin
Mufti kuuma uu kicin
Aqoonyahan ma aad helin
Madaxweyne warkii daa
Malaaq iyo Ugaasiyo
Xeerbeegti mudanoo
Xaqa muuja kaa dheer
Dhalin kuu mintideysana
Meelna kuuma joogaan
Masalaa waxey tahay
Ma’dan laba jibaarani
Waxay muga ka le’eg tahay
Qarni laba u meeldhigid
Midood hal u dheeree
Midka soo hareetana
Maalmihii khasaariyo
Mala awaalkii aan jirin
Mudadeedii weeyaan
Waa midaan mashxaradiyo
Mudnayn xiiso badanoo
Waheey aan la muunsado
Afartaas dheh maamuus
Milgo gabaygu leeyahay
Ama meeris odayeed
Ku micneeyay nabarada
Maashiyo xanuunka leh
Moogyahay dadkiisii
Afarna waa makaabkii
Dhidib maamul u ahaa
Waa maqaamkii garashada
Qaran iyo masiirkiis
U mirdooxay dowladnimo
Muhundisna uu yiri
Waa duul malyuunoo
Dhaqan iyo mabaadii
Taariikh maguuraan
Ka mideysan danoqura
Magac bay wadaagaan
Maab iyo dhulgooni ah
Astaan midabaleeyiyo
Calan baa macruuf u ah
Waa taas macaanaay
Gobanimada malabka ah
Soomaalise ma ay garan
Murtibaa waxay oran
Alif kaa Maroorsama
Miim kuma hagaago
Marin aad ilduuftana
Balad kuma marsiiyo
Manfac eebe kuu qorin
Jadiin kuuma marayee
Maxaad seegtay surinkii
Afartaas dheh maamuus
Milgo gabaygu leeyahay
Ama meeris odayeed
Ku micneeyay nabarada
Maashiyo xanuunka leh
Moogyahay dadkiisii
Afarna waa muftaaxii
Albaabkii masiibiyo
Mugdi looga baxilaa
Waataan madaaliyo
U ahaa macalinkoo
Mudiceeda aan waday
Sida maahir diimeed
Marinaaya aayado
Ama mu’adin waliyoo
Ka adimi masaajida
Maalin iyo habenkeed
U madiixay waanada
Ugu miiray dhagihiin
Maruun inad jaleecdaan
Ma huraanka fahamtaan
Maankiina galisaan
Marna inaanay qaranimo
Qabiil meel kasoo galin
Idinkoo markhaati ah
Ka masuugeyn dowladnimo
Madaraso u bilowdaan
Majaraheeda raacdaan
Mansabkeeda saartaan
Miraheeda gurataan
Inkastoo maryooleey
Samahaba ka miigtaan
Xumahana marsheeyaan
Marba meel ka tuuraan
Sida Mu’alif uu yiri
Anigaan ka maarmine
Ma daloosho laabtood
Maahmaah horana tiri
Mindi saawir noqotiyo
Madax muuqii la arkaa
Midna kama samreyside
Mowlahaan ka tuugaa
Allow maanta samabixi
Aafadaan ka meelmari
Kana yeel Masagadii
Kal iyo mooye baridee
Murgac iyo xanuuniyo
Ayba helin masiibadu
Fiiro Gaar ah: Maansadan waxan curiyay 01/07/2009-kii, labo sano ka hor, sida aad ka dheehan kartaan tixaha tibaaxaya oo ah kuwan hoose:
Ma’dan laba jibaarani
Waxay muga ka le’eg tahay
Qarni laba u meeldhigid
Midood hal u dheeree
Midka soo hareetana
Maalmihii khasaariyo
Mala awaalkii aan jirin
Mudadeedii weeyaan
Waxa curiyay Muxyadiin Xusseen Ciid-
Alcarab1@yahoo.co.uk
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com