Muqdisho (AGGM):Wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha siyaasada Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha Soomaalida inay ka faa’ideystaan hannaanka federaalka ee la doonayo in laga hirgeliyo Soomaliya.
Waraysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay Kay in federaalka laga dhaqan-geliyay dalal badan oo horumaray, Soomaaliyana ay hormar ku gaari karto haddii si fiican looga faa’iideysto hannaankan oo la doonayo in dalka laga dhaqan-galiyo.
Mar wax laga weydiiyay Nicholas kay warbixin dhawaan ay soo saartay kooxda ICG oo ugu baaqaysay dowladda Somalia inay tusaale ka qaadato sida Alshabaab ay u xaliso khilaafyada ka jira deegaannada iyo degmooyinka ay ka taliso ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin wax laga faa’iideysan karo Alshabaab haba yaraatee, wuxuuna sheegay in Al-shabaab ay iska dilaan dadka iyagoo aan maxkamad soo taagin.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sidoo kale rajo-xumo ka muujiyay in sannadka 2016-ka sida qorshuhu ahaa ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo dadku ay soo doortaan madaxadii meteli lahayd.
Hadalka Kay ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo isi soo tarayay oo ku saabsan hannaanka federaalka oo ka taagan gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya.
Dadka dhaliila federaalka ayaa iyagu sheegaya in federaalku uusan ku habooneyn Soomaaliya, madaama ay Soomaalidu tahay dad isku diin, isku dhaqan iyo isku af ah, balse nidaamkan uu ku wanaagsan yahay oo keliya dad aan isku mid ahayn.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com