Waxaa ayaan daro ah in R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu garan la’ayahay halka loo socdo iyo ujeedad dhabta ah ee la wato.
Daarood waa dad wada dhashay oo aan sinaba ku kala harayn amaba u kala maarmeyn balse Daarood Dan guud baa ka dhaxeeyse dano gaar ah kama dhexeeyaan oo cid walbaa dadnteeda gaarka ah iyo danta deegaankeeda ayay ka hormarisaa danta guud ama waxa ay la wadaageeyso beelaha kale ee Daarood.
Dalka Soomaaliya laga soo bilaabo Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa soo maray R/wasaareyaal Iyo madaxweyne ka soo jeeda beesha Darood oo kala ahaa;
1- R/wasaare Prof. Cali Khaliif Galeyr
2- R/wasaare Xasan Abshir Faarax
3- R/wasaare Maxamed Cadbi Yuusuf
4- AUN, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
5- R/wasare Cumar Cabdirashiid Cali
6-R/wasare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Dhamaan Mas’uuliyiintaa soo qabatay xilalka kala duwan ee dalka ugu sareeya weli miyaad aragteen mase maqasheen mid ka mid ah oo ku shaqeeyay danta beelaha Daarood, dan Soomaaliyeed iskaba daaya’e? Jawaabtaas waxaan u deeynaynaa bulshada Soomaaliyeed, R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Kooxda ku xeeran.
Waxaase kaloo la yaab leh markii xilka R/wasaarenimo uu qabto wiil kasoo jeeda beesha Mareexaan maxaa keena in la yiraahdo Yaa Daarood Aheey oo aan loo maqal inta kale?
Waxaa mudan in la weeydiiyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxaa Dan ah oo aad u heysaa beesha Maraaxeena Ama Beelaha Sade?
Shirqoolada Dhaliyay Kacdoonka Ka Dhanka Ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed
Booqashadi Kismaayo ee R/wasaare Cabdiweli Sheekh waxa uu ku dhacay dabinki ugu horeeyay ee qiyaamadi aan ugu magac daray (Kursiga Ma Geeysid Annaa Geeya), qiyaamadi xigtayna wax uu ku dhacay Hubeynti beelo ka mid ah beelaha (Shabeellaha Hoose), Qiyaamadi sadexaadna waxuu ku dhacay markuu aqoonsaday Maamulka 3-da gobol ee Koonfur Galbeed, (haddaba soo lama oran karo Jaran Jartii Roor Lagu Koro Roor Ayaa Looga Dagaa?)R/wasaare Cabdiweli Sheekh soo umma habooneeyn inuu ka raad gato sadexdaas arrimood oo uu ka fogaado intuu ka fogaan karo? (Yaabaye Yaa La Taliye U Ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh?)
Waxaa muuqata hadda siyaasad xumada R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed in uu kurisgii isagu ku fadhiyay in laga kacsanayo oo Rag isaga la mid ah ay doonayaan inay kusoo fadhiistaan, taas oo ihaano ku ah beesha uu ka dhashay R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ee Mareexaan, sababtoo ah kursigii ay ku fadhiyeen wiilkoodaa SOORIYO Iyo YARAD iyo waxaan la aqoon u bixiyay.
Siyaasada murugsan ee cirka isla gaartay iyo qorshaha dhabta ah ee laga lahaa.
1- In Caalamka La Tuso In Nidaamka Federaalka Ah uu dalka Soomaaliya Ka Shaqeyn Karin oo dadku isleenayaan.
2- In Beelaha Soomaaliyeed iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed layska horkeeno gaar ahaan Beelaha Soomaalida ugu turturka weyn oo ay ugu horeeyso beesha uu isagu ka dhashay ee Mareexaan.
3- In R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed lagu yiraahdo (Kursiga Mageeysid, Annagaa Geeyna) Mooshina laga keeno.
Maxaa Ka Hir Galay 3-daas Qodob?
Sadexdaas qodob Laba waa ay dhaceen waana hirgaleen, balse weli midbaa haray oo la sugayaa dhawaan maadaama 6-bilood ee ugu horeeysay ay u dhamaatay R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Xildhibaanada Mooshin waa ka keeni karaan, waxaana xigaysa Mudane R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed (Kursiga Mageeysid, Annagaa Geeyna), qodobkan ayaa waxaa ka hortagi kara Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kale ee Beesha Sade inay ka bari yeelaan Beesha Sade cadaawada uu R/wasaare Cabdiweli Sheekh uu uga dhex abuuray Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beelaha Kale Ee Soomaaliyeed, waana iany u acdeeyaan Moowqifka Beesha Sade ee ku Aadan R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed inta aan la gaarin doorashada 2016.
Talosiin:
Mudane R/wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Ummada Soomaaliyeed si guud ugu adeeg oo ku salaysan Cadaalad iyo Sinaan haddii aadan yeeli karina oo aysan suuro gal ahayn, Mas’uuliyiintaa 6-da ah ee aan kor kusoo xusay ee kaa horeeyay seey ugu adeegeen dadkooda iyo deegaanadood ugu adeeg dadkaaga iyo deegaanada aad ka soo jeedo kana hormari wax walba adoon dhibaato u geesanayn dadka kale ee Soomaaliyeed, hadaadan sameen karin qodobkan kalena waxaan ka codsanayaa inaad Istaqaaladaada si sharaf leh ugu geeyso Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Sababtoo ah Soomaali iyo Sade-ba waxba uguma Toornid.
Gabagabadi xaalkan ayaan waxaan ku micneen karnaa oo kaliya in uu yahay Ihaano iyo Garasho Xumo maadaama xaalku maanta halka uu marayo markaad si wanaagsan u eegto ay kuu soo baxeyso oo qura (Nin Kursiguu Ku Fadhiyay Laga Kacsanayo Hadana Aan Garanayn Halka Loo Socdo).
Afeef: Qoraalkayga waxaa fahmi kara oo qura qofkii miyir taamah leh, meel fogna wax ka arka maadaama Soomaaliya Habdhaqanka ka jira uu noqday dhan walba dhanka siyaasada, dhanka dhaqaalaha, dhanka Arimo diimeedka, Dhanka Horumarka, (Intaan Aniga Dhiman Lahaa Adiga Dhimo) Walaaal xaq baan u leeyahay inaan noqon kan dhinta ee aan noqda kan noolaada.
W/Q.Cabdi Cabdullaahi Cismaan
Nairobi, Kenya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com