Muqdisho,AGGM—–Mas.uuliyiinta Jabhada ONLF ayaa waxaa ay sheegteen in Dowladda Ethiopia Ciidankeeda Dagaalo ay la galeen saacadihii ugu Dambeeyay ay uga dileen Askar aad u Fara badan isla Markaana ay ka Gubeen ilaa 4 gaari oo Nuuca Ciidamada Qaada ah Dagaalkaas oo ay sheegeen Mas,uuliyiintu in uu Qayb ka ahaa Halganka ay ku jirto jabhada ONLF.
Maxamuud Cabdulaahi Sooc oo ah Madaxa Arimaha Siyaasada Jabhada ONLF kana Mid ah Golaha Dhexe Ee Ururkaas ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalkaan oo ka dhacay Dhulka Soomaaliyeed Ee Ethiopia ay Haysato ay ku dileen in ka badan 70 Ciidamada Ethiopia ah sidoo kalena ay Gawaari ka gubeen sida uu yiri .
Maxamuud C/laahi ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay Taba bar u soo Gaba gabeeyeen Ciidamo badan oo Jabhada ka tirsan kuwaas oo ka qayb qaadan Doona Dagaalka Dowladda Ethiopia ay kula jiraan waxaana uu shacabka Ogaadeniya ugu baaqay in ay kala qayb galaan Xoreynta Dhulka Soomaaliyeed .
Sarkaalkaan ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Saraakiisha Dowladda Ethiopia ay ka qayb qaataan taba barada la siinayo Ciidamada Somalia iyadoo Somalia ay ka mid tahay buu yiri Wadamada ugu wanaagsan Xaga Taba barka Ciidanka oo la heli karo Saraakiil Soomaali ah oo taba barkaas bixisa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com