Muqdisho, AGGM: Isniintii lasoo dhaafay Baarlamanka Somaaliya ayaa meelmariyay dhismaha Gudiga adeega garsoorka waxaana durba soo baxaya cabsi laga qabo in Gudigaasi dhismihiisa la doonayo in lagu baabi’iyo Awooda Garsoorka dalka sida uu aamisan yahay Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo xubin ka ah Baaralamanka.
Sidookale Xildhibaan C/laahi oo u waramay Warbaahinta ayaa soo jeediyay in dib u habeyn lagu sameeyo Hay’ada Garsoorka dalka maadaama Cadaaladu ay lagama maarmaan u tahay dadka iyo dowladaba.
Xildhibaan Cabdi Bare oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa qaba inuu musuqmaasuq balaaran ka dhax jiro garsoorka isagoona ku eedeyay inay lacag ku qaataan xalinta kiisaska ,islamarkaana shaqaalaha garsoorka aysan aqoon ku filan u laheyn howshooda .
Dhinaca kale Wasiirka garsoorka iy dastuurka Somaaliya faarax Cabduqaadir oo ka hadlay arimaha la xiriira waaxda garsoorka dalka iyo dhaleeceynta loo jeedinayo ayaa qiray jiritaanka eedaha musuq maasuqa ah isagoona cudurdaar uga dhigay in wax isdabamarinta iyo aqoon darada ay kala siman yihiin hay’adaha kale ee Dowladda.
Eedaha loo jeedinayo garsoorka dalka ayaa aad usoo badanaya waxaana dadka ay u baahan yihiin garsoor ka hufan cadaalao daro iyo musuq maasuq .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com