Muqdisho, AGGM:Maamulka Degmada Xamarweyne, ayaa faah-faahin ka bixiyay weerar maanta lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, halka mid kalena lagu dhaawacay weerarkaasi.
Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, wuxuu usheegay in raga ka dambeeyay dilka Xildhibaanka ay wateen gaari noociisa uu ahaa Surf/Runeyd.
Wuxuu sheegay in Xildhibaanka geeriyooday kasokoow uu dhintay, Askari ilaalo u ahaa Xildhibaanka, waxaa sidoo kale dhaawacmay Xildhibaanka Coonka oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa wada baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaankaasi oo ay masuuliyadiisa sheegteen Ururka Al-Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com