Muqdisho, AGGM: Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horeysay shaacisay tirada Ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo gaaraya 120 askari.
Ciidamadaan Maraykanka ah ayuu sheegay iney ku sugan yihiin meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Wendy Sherman oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibada Maraykanka ayaa xaqiijisay iney ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa horey ula macaamili jiray AMISOM balse hada Ciidamada Soomaaliya ayay la macaamili doonaan.
Sikastaba ha ahaatee Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaan la shaacin meelaha ay uga sugan yihiin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com