Dhageyso: Yaa Dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd Iyo Xildhibaan Maxamed Warsame (Faysal)? Khudbadihi Ugu Dambeeyay Ee Ay Ka Jeediyeen Baarlamanka..

0

Muqdisho, AGGM: Allaha U Naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanda sida aadka ah uga soo horjeeda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xisbigiisa Damu Jadiid, islamarkaana waxuu qayb muhiim ah ka ahaa Xildhibaanada waday Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, waxaana kooxo Hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay wateen isaga iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Baaarlamaanka Soomaaliya halkaasi oo ku geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Xayd halka Xildhibaan kalena uu ku dhaawacmay.

Su’aalaha isweeydiinta mudan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan walba ama shaqsi walba oo ka soo horjeeda siyaasada qalafsan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo urur diimeedkiisa Damu Jadiid maxaa loo dilaa islamarkaana Al Shabaab ay u sheegataa dilkooda?

Waxaa sidoo kale iyana aad bulshada indheer gardkoodu ulla yaaban yihiin, maxaa loo xiraa cid Alle cidii wax ka sheegta siyaasad Xumada Madaxweynaha iyo xulafadiisa?

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa Khudbadihii ugu dambeeyay ee ay golaha baarlamaanka ka jeediyeen Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Xildhibaan Maxamed Warsame (Faysal) oo lagu dilay gudaha xeeyndaabka ammaanka ee Villa Somalia.

faysal

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Khudbadi Ugu Dambeeysay Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd.

 

Halkan Hoose Ka Dhageyso Khudbadi Ugu Dambeeysay Marxuum Xildhibaan Maxamed Warsame (Faysal) 

Isku soo wada duuboo ka sokoow sheegashada AL Shabaab dilalka Xildhibaanadan waxaa jira tuhun baahsan oo farta ku fiiqaya Madaxweyne Xasan Iyo Urur Diimeedka Damu Jadiid inay ka dambeeyaan cid walba oo ay u arkaan in ay qatar ku yihiin jiritaankooda, waxaa la yiraahdaa hoowlahaas waxaa fuliya ciidamo loogu magac daray Ruuxaanta oo si toos ah uga amar qaata Wasiirka Wasaarada Dastuurka & Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com