Muqdisho, AGGM:Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Somalia ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan kooxda falaagada ah ee Al Shabab iyo ciidamada Dowladda Somalia ay ku dagaalameen Caawa gudaha magaaladaas.
Dagaalada ayaa ka dhacay deegaano ay kamid ahaayeen Shineemo Cabdi Waayeel, Xerada Maslax,Gubta,iyo Hotel Ramadaan.
Shineemo Cabdi Waayeel ee degmada Huriwaa ayaa lagu soo waramayaa in maleeshiyo ka tirsan falaagada AL Shabaab ay weerareen goob fariisin u ah ciidamada dowladda wuxuuna ahaa dagaalkaas mid muddo soconayay iyadoo dhawaqa hubka ay isku adeegsanayeen laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo deegaanada u dhow.
Sidoo kale dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Somalia iyo Al Shabab ayaa wuxuu ka dhacay xerada Maslax halkaas oo fariisin u ah ciidamada dowladda Somalia.
Gubta ayaa la sheegaya in dagaal muddo kooban soconayay uu dhexmaray maleeshiyaad Al Shabaab ka tirsan iyo ciidamada dowladda Somalia waxaana dagaalkaan uu biloowday markii Kooxo hubaysan oo Al Shabab ah ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bar ciidan oo ku taallo deegaanka Gubta ee degmada Dayniile.
Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa goobaha ay xalay weerareen waxaa kamid ah xarunta uu ka degan yahay degmada Hurwaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Muungaab halkaas oo dagaal xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan laysku adeegsaday wuxuuna soconayay muddo saacado ah.
Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa xalay marti u noqotay Dagaallo iyo Qaraxyo kuwaas oo ka dhashay Qasaaro badan lamana oga qasaaraha saxda ah ay sababeen maadaamaa xilliga uu ahaa Habeen qof kastana uu ku sugnaa gurigiisa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com