Muqdisho, AGGM:– Ururka Samafalka Wadaniga ee HIRDA ayaa Gargaar dhinaca maro kaneecooyinka ah waxay gaarsiiyeen Kumanaan Qoys oo ku dhaqan Qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo iyo Tuullooyinka,xilli dadka la siiyey gargaarkaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ay ka cabanayeen Xanuuno ay ka mid yihiin Cudurka Malaariyada.
Deegaanada la gaarsiiyey Gargaarkan maro kaneecooyinka ayaa waxaa ka mid ah degmooyin iyo Tuullooyin hoostaga degmooyinka Garbahaarey, Baladxaawo,Buurdhuubo,Baardheere iyo Ceelwaaq ,iyadoo xilligani deegaanadaasina qaar ka mid ah ay ku nool yihiin kumanaan qoys oo ku barakacay dagaalo iyo abaaro ku dhuftey qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Cabdi weli Cabdulaahi Jaamac oo ah Madaxa Qeybta Caafimaadka HIRDA soomaaliya oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay dad ka badan ilaa 72kun oo qoys in ay gaarsiiyeen Maro kaneecooyin,isagoo sheegayna qoyskiiba in ay heleen ilaa 2 xabo,gargaarkani ayuu sheegay in wax weyn uu ka tari doono dhibaatooyinka xaga Caafimaadka ee ay qabeen Qoysaska la gaarsiiyey oo u badan kuwo dan yar ah.
“Gargaarkani maro kaneecooyinka waxaa naga saacidey Hay,adda Unicef,Qeybta qaabilsan la dagaalanka Cudurada AIDska,Malaariyada iyo TBda ayuu yiri C/weli C/laahi Jaamac oo ah Madaxa Qeybta Caafimaadka HIRDA –Soomaaliya.
Qooysaska la gaarsiiyay deeqdaan maro kaneecooyinka ayaa si aad ah usoo dhaweeyay iyagoona umahad celiyay Ururka Samafalka HIRDA,Mana ahan markii ugu horeysay oo gar gaar noocani oo kale ah HIRDA ay ka qeybiso Gobolka Gedo.
A Ibraahin
Garbahaarey-Gedo
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com