Dhageyso: Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Hodan Oo Kooxo Bastoolado Ku Hubeeysan Dileen.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo bistoolado ku hubeesan ay maanta agagaarka Tarabuunka ay ku dileen Gudoomiye laameed katirsanaa Maamulka Degmada Hodan.

Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Salaad Colow oo katirsanaa Gudoomiye laamedyada Degmada Hodan , waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday Kooxihii hubeesnaa ee dilka geestay.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta lagu dilay Masuulkan katirsanaa Maamulka Degmada Hodan iyagoona halkaasi ka qaaday Meydka Marxuunka.

Isku soo wada duuboo Dilkan ayaa imaanaya xili amaanka Magaalada Muqdisho uu u muuqdo mid faraha kasii baxaya tan iyo markii ay curatay bisha Barakeesan ee Ramadaan ,Al-Shabaab ayaana inta badan sheegata Masuuliyada Dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com