Muqdisho, AGGM:Mas,uuliyiinta Maxkamadaha Dalka ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho waxaa ay uga soo horjeesteen Ansixinta Baarlamaanku ansixiyay Golaha Adeega Garsoorka oo ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Garsoorka waxaana ay ku sheegeen Gudigaas Gudi aan sharci ahayn oo Dhibaato ku ah Garsoorka .
Kulanka oo ay goob joog ahaayeen mas,uuliyiinta Garsoorka ugu sareysa ayaa Markii uu soo dhamaaday Waxaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo arintaas ay uga hadlayaan waxaana ku Saxiixnaa Gudoomiyaha Maxkamada Ssare Caydiid Ilka Canaf iyo dhamaan Xubnaha Gudiga .
Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Cabdul qaadir Maxamed Muuse ayaa Shir Jaraa,id ugu Faah Faahiyay Saxaafada Go,aanka ay qaateen waxaana uu sheegay in uu Keeni doono Khilaaf hor leh iyo dhibaato Cusub.
Halkaan Hoose Ka Dhageyso Warsaxaafadeedka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com