Dhageyso: Afhayeenka Col. Bare Hiiraale “Magaalada Kismaayo Afarta Dhinac Ciidankeenaa Ka Fadhiya Howlgal Ayaana Ka Wadnaa”.

0

Kismaayo, AGGM: Macalin Gaas oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamadaas Barre Hiiraale Hogaaminayo ayaa waxaa uu Warbaahinta u sheegay in labo askari ay dileen Goobtiina ay kala wareegeen sidoo kalena ay isku diyaariyeen Weerar ay qaadayaanMagaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Halkaa oo mudo sanad ka hor ah laga soo saaray si xoog ah.

Sarkaalkaan ayaa waxaa uu sheegay in Xalay magaalada kismaayo Ciidamada maamulka KMG ah Ee Jubba ay ku dileen labo ruux oo shacab ah isla markaana ay Xireen Mid kale arintaasna ay ku qasbeyso in ay weerar Kismaayo ku qaadaan sida ay sheegeen Kenya ayuuna dhaliilay Macalin gaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com