Dhageyso+Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh “dowladda Soomaaliya Shabaab goobahooda ayeey ku beegsaneysaa”

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ka hadlay hadallo been abuur ah oo ay faafiyeen malleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku aaddanaa in ay qal-qalgeliyeen ammaanka madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey Warbaahinta, ayaa yiri “guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa farriin kooban oo la xiriirta hadallada dacaayadda ah ee ay argagixisadu ku doonayaan in ay shacabka Soomaaliyeed ku geliyaan wel wel dhanka ammaanka ah, ma jirto qal-qal amni oo ka taagan madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynihiina ammaankiisa ma ahan mid uu kooxda naflacaariga ah ee Al-Shabaab uga hor joogsan karaan howlaha ummaddiisa uu u hayo”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u diray farriin waalidiinta Soomaaliyeed, waxa uu tilmaamay in waalidiinta Soomaaliyeed ay dadaal badan geliyaan inta carruurtooda ay ka marinhabaabiyeen kooxaha cadowga ah, sidii ay uga soo bixi lahaayeen, “dowladda Soomaaliya iyo hey’adaheeda ammaanka, waa kuwa ka koray in ay Al-Shabaab gabaad ka galaan, waxaan leenahay awood buuxda oo aan cadowga ku beegsanno meelaha uu iska soo abuubullaan middaasina waan ku talla jirnaa INSHA ALLAH” ayuu haddalkiisa sii raaciyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay jawaabbo cad cad dhowaan ka bixin doonaan ficillada aan suuragelin ee dhagarta Al-Shabaab, xaaladda madaxtooyada Qarankunu waa mid sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com