Muqdisho, AGGM:Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maamulka Ahlusunna Ee Gobolada Dhexe ee Dalka Sheikh C/risaaq Al-ashcari oo Wareysi siiyey Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Weerarkii xalay lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Mas’uuliyadiisana ay Al-shabaab sheegteen laga soo Abaabulay Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.
Sheekh C/risaaq Al-ashcari ayaa sheegay in ay hayaan Xog badan oo Muujineysa Suurta galnimada in Weerarkii Xalay Madaxtooyada ka dhacay laga soo Abaabulay isla Madaxtooyada islamarkaana ay jiraan Rag la shaqeeya Al-shabaab oo Madaxtooyada jooga sida uu sheegay.
Gudoomiyaha Golaha Fulinta ayaa Tacsi u diray Ciidamadii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee Weerarka Xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku Geeriyooday.
Eedeenta Maamulka Ahlusunna ayaa imaaneysa xili mudo Shan bilood gudahood ah Al-shabaab ay Weeraro ku soo qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com