Maqaal:Qadiyad loo qiiroodo la,aanteedu waa qeybta ugu weyn mushkiladda uu la hano qaadi la,yahey maamul dowladeed.W/Q.Warsame Gaabane

0

Waxaa jira afar waxyaabood oo dadka qiiro geliya oo ka dhiga iney naftooda u huraan qadiyad ay aamminsanyihiin iyagoon ka eegeyn dhanka maslaxaddooda qof ahaaneed.

Waxey kala yihiin arrimahaasi ay dadku u tacasubaan:

1. Diin ama aydiyaloojiyad kale

2.Waddaniyad

3.Qabiil

4.Goboleysi

Tacasubka loo tacasubo mid ka mid ah afartaas arrimood ama loo qiiroodo oo laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa maqaamka qadiyadda diinta,ama waddaniyadda ama qabiil ama gobol gooniya wuxuu soo saari karaa askari dhiirran oo aan ka baqeyn geerida isagoon maslaxaddiisa gaarkaa ka fakareyn.Wuxuu soo saari karaa howl wadeenno fara badan oo dantooda iyo danta qoyskooda gaarkaa ka hor mariya danta qadiyadda uu aamminey.

Shaki ma leh in tacasubku hadduu bato oo xagjirnimo gaaro uu noqonayo mid wax bur buriya oo khasaare mooyee aan faa,iido laga heleyn. Kan qabiilka waaban ognahey oo wuxuu keeni karaa dagaallo iyo fitan lala galo qabiilooyinka kalee ku xeeran qabiilkaas,laakiin sidoo kale weeye diinta,goboleysiga iyo waddaniyadduba. Diinta haddii loo isticmaalo naceyb, xad gudub iyo fitno hurin waan arkeynaa waxa bur burin iyo musiibo ay keeni karto oo waxey noqoneysaa daawo loo isticmaaley in wax lagu sumeeyo.Waddaniyadduna sidoo kale haddey isku baddasho mid colaad iyo xad gudub loo isticmaalo waa sidoo kale oo dagaallada adduunka maanta ka dhaca badankoodu waddaniyad waalan ayey u badanyihiin.

Laakiin tacasub ayaa lagama maarmaan u ah siyaasigii doonaya inuu helo dad faro badan oo ku garab istaaga arrimaha waaweyn oo uu ku hamminayo inuu gaaro dhammaantood ama qaarkood.

Tusaalayaalka awoodda tacasubka

Dowladdii dhexe ee soomaaliyeede laga dhaxley heykalkeeda dowladnimo isticmaarkii R.Yurub oo rayid iyo mileteriba laheyd marbaa jirtey ay tacasub waddani ah ku dhisneyd oo bulshadoo dhan intey qiiro saaqdey ay iyagu iskoolladooda dhisanayeen oo dalkaxudduuddiisa qof kastoo soomaali ah meesha ku beegan uu ka difaacayey isagoon mushaar ku qaadaneyn. Mar kaloo xaaladda waddaniyaddu xumaatey ayaa jirtey oo laakiin dowladdaasi sanado aan yareyn ay kusii dhisneyd tacasub qabiil iyo gabadheennu guurmaleh haddaannan “dowladdeenna garab istaagin”! Sidoo kale xoogaggii jabhadaha oo dowladdii xoogga badneyd ridey waxaa asaas u ahaa qabiilka tacasubkiisa. Taasoo keeneysey iney si naf hurnimaa dagaalka ugu dhammaadaan dhallin yaro badan ooqabiilka u qiireysan.

Halgankii Maxaakiimtu ay qabqableyaalka meesha uga saareen iyo kii ka danbeeyey ee muqaawamadii Itoobiya wuxuu ahaa mid ay ku wada jireen tacassubka diinta,wadaniyadda iyo qabiilkuba.

Sidoo kale Shabaabku tacassubka sida ay diinta u arkaan ayaa ah xoogga ugu weyn oo ay heystaan oo ay naftooda ugu hurayaan qadiyad ay aamminsanyihiin. Dad masaalix isku keentey oon mabda, kale laheyn ma jiri kareen iyadoo intaasoo culeys ah ay saaranyihiin.

Sidoo kale Somaliland iyo Puntland waxaa asaas u ah tacasubka ay dadkoodu u tacasubayaan bulshada ay matalaan iyo gobolladooda. Haddaad maqasho cadowga Somaliland ama Puntland oo dadka looga digayo dadkuna usoo joogsanayo oo wax lagu fahamsiin karo waxaa iska cad in cadowgaasi yahey soomaali kale ee uusan aheyn dowlad shisheeye. Sidaas darteed labadaas maamul tacasub qabiil iyo mid degaan ayey ku dhisanyihiin. Maamullada kale ee hadda lagu gudo jiro dhisitaankoodana waxaa lagu dhisayaa dhammaantood tacasub qabiil ama degaan,haddii kale isma qabsanayo oo ma istaagayo. Waa iney qiiro jirtaa iyo xamaasad dadka ku dhaqaajineysa iney wax qabtaan.Maamul dhisidda kaligeed aan wadan qiiro wax weyn ma keeneyso.

Dowladda tacassub la,aan ayaa heysata

Dowladda mar kasta la isku dayo in lagu dhoodhoobo Muqdisho oo qabaa,ilka la iskugu keeno waxey la fashilantaa oo u dhaqaaqi weydaa ma lahan dad u caadifeysan oo naftooda u huraya jiritaankeeda iyo horumarinteeda. Asbaabo kale way jiraan oo badan,laakiin sababtaas ayaan is leeyahey waa tan ugu weyne ay la dhaqaaqi weydo.

Dowladdu qadiyad waddani ah oo soomaalidoo dhan qiiro gelisa kuma guuleysato mar kasta iney hir geliso. Mid diineedna sidoo kale. Midda qabiilkana ama degaankana madaxda Muqdisho iskuma howsho iney is baheysi qabiileed oo weyn ama mid degaan sameeyaan. Oo ay qabaa,il badan intey qiiro geliyaan ay u tusaan iney dowladdu tahey dowladdoodi oo ay ilaashadaan. Iskaba daaye qabiilooyinkii ay aheyd in dowladda ay tiirka u noqdaan oo ilaashadaan iyo dowladdii ayaa si ula kac ah waxaa loo dhex dhigayaa colaad iyo kala shaki aan loo baahneyn.

Dowladdaan uma sahlana xilligaan hadda la joogo iney isticmaasho qiirada waddaniyadda oo soomaalidii midba meel ayuu fadhiyaa maammullana way kala yeesheen. Masaalix faro badan ayaa ku dul dhisan kala qoqobkaas oo dadka heystaa aysan sina ku dooneyn iney ka tanaasulaan in wax loogu sii daro moogiye. Kala shaki iyo is aamminaad la,aan badanna way jirtaa oo dadka gobollada ku dhismey qaabka tacassubka qabiilka aan ku dhiirri gelineyn iney kusoo dhowaadaan baaqa waddanigaa oo aan la isku halleyn karin.

Horta asaas yeelo oo samee maamul adag oo ka shaqeeya qeyb weyn oo dalkaa. Markaas ayey dadka goonida u taagan qaarkood ama kulligood kusoo dhiirran karaan iney wax kugu darsadaan. Laakiin dadkii goonida waxooda u dhistey oo tacassubka lahaa in shuruuddoodi looga shaqeeyo Muqdisho oo u baahan iney lugaheeda isku taagto waa ayaan darrada heysata dowladdaan.Taasi maamul shaqeeya oo waxtar leh uma dhisi karto degaannada Muqdisho ku xiran. Haddii xamaasad waddani ah iyo mid diineed midna aysan dowladdu isticmaaleyn waxaa lagama maarmaan ah iney si uun u fahamsiiso dadka ay degaankooda ku shaqeyneyso iney dowladda naftooda u huraan oo ay tahey dowladdoodi.

Warsame Gaabane

Wadaadyare09@gmail

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com