Dhageyso:Taliyaha Cusub Ee Booliska Oo Sheegay Inuu Adkaynayo Ammaanka.

0

Muqdisho, AGGM:-Taliyaha cusub ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Gen, Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa sheegay in uu adkaynayo nabadgalyada iyo tayada ciidanka booliska.

Taliyaha oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay badbaadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Generalka ayaa tilmaamay in gudashada xilka loo magacaabay uu la kaashan doono kalsoonida ciidanka iyo waayo arag-nimadiisa.

Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa ciidanka booliska Soomaaliyeed ka tirsan 49- sano, isagoo xilliyada qaar ciidanka wakiil uga ahaa Qarammada Midoobey.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa General Maxamed Sheekh Xasan u magacaabay taliyaha ciidanka booliiska, kaddib markii xilka laga qaaday Gen, Cabdixakiim Daahir Siciid ( Saacid).

 

booliska

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com