Muqdisho, AGGM:Sida aan horay idiinka balanqaadnay aqristayaasha sharafta lahow, waxaynu idiinsoo gudbinaynaa magacyada iyo xilalka loo kala magacaabay wasiiro cusub oo kusoo biiray golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur
galbeed.
Wasiiradaan ayaa kala ah, Abba Aawoow Suufi Xaaji, wasiirka wasaarada kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Maxamed Maxamuud Nuur Biikolo, wasiirka wasaarada dastuurka iyo dib u heshiisiinta, Prof, Axmed Cismaan Duuble, wasiira wasaarada jaaliyadaha iyo maalgashiga dibadda.
Wasiiradaan ayaa isla shalay la dhaariyay ayada oo sidoo kalena lala dhaariyay wasiirka cusub ee arimaha gudaha iyo dowladaha hoose mudane Ibraahim Cali Axmed (Ibraahim Bayow) oo horay loogu magacaabay xilkaas marna soo noqday gudoomiyaha gobolka Bay.
Wareegtada ayaa kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, mudane Madoobe Nuunow Maxamed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com