Cadaado, AGGM:Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee Xarunta u ah Maamulkaasi ayaa sheegay in Deegaanada uu ka Arimiyo Maamulka Ximan iyo Xeeb lagu soo rogay Xaalad Deg deg ah.
Cabdi Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay oga golleeyihiin Xaqiijinta Amaanka Deegaanada Maamulka iyo Khataro Amaan oo ay Heleen sida uu sheegayo madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Faray Wasaarada Amniga ee Maamulka Ximan iyo Xeeb in ay Tilaabo ka qaado cid walba oo Caqabad ku ah amaanka Deegaanada Maamulka Ximan iyo Xeeb .
Isku soo wada duuboo Cabdi Maxamed ayaa shacabka Maamulka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan oo ay Gacansiiyaan Ciidamada sugaya Amaanka iyo sidoo kale ay qaataan Amarka Maamulka ka soobaxay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com