Baledweyne, AGGM:Ciidamada booliska ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay gacanta kusoo dhigay Shariif Faarax Geeddi oo loo heysto inuu fal dil ah xalay ka geystay magaalada Baladweyne.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ku hubaysnaa qori Ak-47 ah, dhowr xabbadna uu madaxa ugu dhuftay Allaha u naxariistee marxuum Cabdifataax Shigow Nuur, kaddib markii uu soo kala dhaxgalay muran.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Baladweyne, Calidhuux Cabdi Mahad-Alle oo la hadlay Warbaahinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in ciidanka booliska ee degmada ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha.
Wuxuu tilmaamay in ay su’aalo weydiin doonaan eedeysanaha, sharcigana lahorgeyn doono.
Waa markii Ugu Horeysay oo Ay Ciidamada Booliska b,weyne Gacanta Ku So dhigaan qof gacan ku dhiigla ah
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com