Maqaal:Markaan dhibka isku daandaansanaynnay yaan ku tashannay?Dhigaalkii: Dhiima Addo

0

Hadda ka hor waqtigii dowladdii Kacaanka ay talinaysay, ayaa nin la yiraahdo Xiddig, oo caanaha keeni jiray Xamar, ayaa laga qabtay meel u dhaw xeradii militaryga ee loo yaqaannay Hiilwayne, iyadoo markaas u socdo qafaalka wiilasha dagaalka loo dirayo.

Xiddig wuxuu ahaa shaqsi laga yaqaanno zonekaas, laguna yaqaanno orod badni oo imaatinka Xamar iyo ka naqashadaba u fuddudahay.

Askartii qabatay ayuu yiri;

“Ar i dhiga, intaad ii addii, dambigaan galayse xaw ahaay?”. Askartii ayaa ugu jawaabtay, iyagoo shabaqlihii sii saaraaya:

“Waxaad difaacaysaa dalkaaga”. Xiddig isagoo yaabban uu yiri:

“Aan difaacee, ma xumee, yaan ka difaaca dalka?”. Askartii oo u muuqda in Xiddig su’aalihiisa ka caroodeen ayaa mid ka mid ah yiri:

“Amxaarada ayaad ka difaacaysaa!”.  Xiddig isagoo yaabban ogsoonna in haddii uu fakado aanu ka baxsanayn askarta militaryga ah, ayuu billaabay inuu la macaamiltamo, wada hadal raggeedna dhax maro. Wuxuu yiri:

“Nimanyaaboow, aan su’aal idin warsado, waaba i waddaane iga jaahil bixiya”. Isagoo ka faa’idaysanaaya taliyaha ciidanka oo u dhaw gaariga shabaqlaha ah.

Taliyihii askarta ayaa yiri:

“Na waydii su’aasha waan kaa jaahil bixinaynaaye”. Xiddig su’aashiisii waxay noqotay:

“Nimanyaaboow, waxaad i tiraahdeen dalkaagaa aad difaacaysaa, waxaadna ka difaacaysa Amxaaro, Wallee maahin?”. Taliyihii ayaa ugu jawaabay:

“Haa, waa sidaas”. Xiddig ayaa haddana yiri:

“Aanba difaaco ma xumee, nimanyaaboow Siyaad Barre marka aw Amxaaro isku daan daansaayay, xooga Xamuud Tooxoow maw ku tashaayay?”. Taliyihii intuu yaabay uu yiri:

“Xamuud Tooxow waa kee? Markaasuu Xiddig soo booday, oo ku jawaabay;

“Yaa Xamuud Tooxoow waa aniga laftirkayga, Xiddigna ku caan aan ahoo waa la ii yaqaan. Caanahaan aan ku shaqaystaa, idinkuna waa i taqaanniin anoo dad dulmaayo oo ii hiilsha idin leh amaa waaga aragteen?”. Taliyiihii ciidanka aad buu u yaabay, wuxuuna arkay qaabka uu Xiddig u hadlaayo inay daacad ka tahay, wuxuuna go-aansaday in Xiddig uu sii daayo. Taliyihii wuxuu yiri:

“Waan ku daynayaa ka soo dego baaburka”. Askartiisana ku amray inay fasaxaan. Xiddig oo aad u faraxsan ayaa yiri:

“Eeboow mahadsanid, ogowse ilowso adoo lagu dulmaayo xooggayga waa ku tashaysaa” orod ayuuna cagta ka gaddiyay. Ula jeedka qisadaan waxay tahay, runtii maanta gar iyo gar celin, xaq iyo xaq celin, cadaalad iyo caadalad celin intaba waa ka liidannaa haddaan nahay Soomaali. Waxaan nahay mar walba dulmane la dulmiyay, iyadoo ay runtu tahay inaan nahay dulmane, dulmiye, dulmane in la dulmiyay isu haysta. Dulmane waa kan aan codka haysan, ee sida la rabo la yeelay, aad ayayna noogu badan yihiin. Dulmiyaha waa kan wax dulmiyay ee raba in loo garaabo walina aan ogsoonayn dulmigiisa.

Dulmiyaha in la dulmiyay isu haystana waa kan saxan mar walba, ee aminsan in wali waqtigii gumeysiga ku jirno.

Wali wuxuu aaminsan yahay in dalalka dariska nala ah ayna dhacayaan, aaminsan calaaqaadka ama xiriirka dalkeennu la leeyahay adduunku mid ku salaysan in nala boobo, in nala xadayo, in nala iibsanayo, iyadoo ayna u muuqan dhibta aan dhaxdeenna isku falnay, gardarrada aan isu garraarinnay, oo wali aan dhammaadka lahayn.

Sow ma joogno xilli aan raadinno dhaxdeenna waxaan qaladnay, sidaan ku sixi lahayn. Si aan uga gudubno jiirooniga cayaarta dulmiyaha dulman? Inaan anaga ku tashanno kana tashanno aayaheenna, dadkeenna, iyo dalkeenna? Inaan ogaanno saxa iyo qaladka, xaqa iyo dulmiga, fartana lagu fiiqo. In ajnabiga ayna ahayn inaan ku Awr kacsanno anagoo runta og. Waana la xadayaa waa nala dhacayaa ka hor, inaan ognahay inaan anaga dhaxdeenna is dhacnay is xadnay is gumeeynnay. Inaan ogsoonnahay in ajnabigu waxa aan leenahay gumeysi qarsoon buu sidaa in anaga aan nahay kuwa wali maskaxdoodu iyo dhaqankoodu raadkii gumeystaha uu ku jiro ilaa aan iska daynanana aan dayac ka baxaynin.

Inta anaga dhexdeenna aan is dhacaynno, is gumaadaynno, is gumeynaynno xaq miyaan u leenahay inaan ku barooranno ajnabiga dalalka kale, ee aan annaga u kala orodno iyo hay’adaha caalamiga ah iyo Qaramada Midoobay inaan ku eedeynno kuna barooranno wax bay u gol leeyihiin, gumeysi bay sidaan, waa nala dhacayaa, waa nala xadayaa? Illeen intaan adduun la jaan qaadi lahayn, anagii ayaa Jinni Ari ku raac isku noqonnaye.

Markaan taa u helno jid aan ku saxno waxaa hubaal ah in ay joogaan mutacallimiin Soomaaliyeed oo wixii Soomaali laga dhici karo soo celin kara. Maxaanse ku gaarnaa? Waa in dulmiga walaalkaa aad dulminayso aadna u helin walaal kale aad ku tashato. Inaan helno cadaalad, cadaalad, cadaalad. Inaan helno dariiq xaq ah, oo aan ku heli karno wada noolaasho, xorriyad shaqsi kastaa aan sad bursi iyo ii hiilli lahayn.

Dhulkuna ugu dambayntii waa naga badan yahay, waxa naga maqan waa daacadnimo bareer ah, cadaalad iyo xoogaa qof walboo ku tashta xoogga walaalkiis wanaag aan xumaan lahayn.

Dhigaalkii: Dhiima Addo

Dhiima@live.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com