Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Shalay Laba Nin Ku Toogtay Degmada Baraawe.

0

Muqdisho, AGGM:Fagaaro ku yaalo Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa shalay waxaa lagu toogtay labo ruux o Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jawaasiis Dowladda Federaalka Soomaaliya la shaqeeya.

Raggaan, ayaa shalay galab lagu qisaasay Fagaaraha Baraawe, xilli ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah shacabka reer Baraawe, markii gaadiid cod baahiye-yaal lagu soo xiray, ay ku wargeliyeen oofinta xukunka qisaasta ah.

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu ku faanay in Ciidamada Xisbada ee Al Shabaab, ay nolosha ku soo qabteen labada nin.

Waaliga, ayaa sheegaaya in raggaan ay qirteen inay basaasiin u ahaayeen waxa uu ugu yeeray cadowga Alle, isla-markaana uu xukunkoodu noqonaayo dil toogasho.

Maxkamada Degmada Baraawe ee Ururka Al Shabaab, ayaa xukunka ku riday labadaan nin, xilli Qaadiga Maxkamada uu sheegay in raggaan ay qirteen inay jawaasiis ahaayeen, sida uu yiri.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com