Dhageyso: Barnaamijka Tubta Toosan Ee Radio Muqdisho”Ramadaanka & Daadinta Dhiigga Muslimiinta”.

0

Muqdisho, AGGM: Waxaan ku ku jirnaa tobankii dhexe ee bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah tobankii dambi dhaafka.

Iyadoo ay muslimiintu ku mashquulsan yihiin cibaado iyo in helaan cafinta eebbe ayay kooxda Alshabaabna ku mashquulsantahay kordhinta weerarrada , Qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah ee ay ku beegsaneyso dadka saa’imiinta ah si ay cabsi ugu beerto.

Tan iyo bilowgii bishan Ramadaan waxay kooxdu dishay tobannaan qof oo Saa’imiin ah oo aan rayid u badan, waxayna ku doodday in ay dilkooda Ilaah ugu dhowaaneyso Allaah.

Haddaba daadinta dhiigga muslimiinta xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan waa mowduuca toddobaadkan eebarnaamijka Tubta Toosan, waxaana marti noogu ah Sheikh Cali Sheikh Maxamuud ( Sheikh Cali Dheere) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com