Muqdisho, AGGM:Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka warbixiyey howlgallo amniga lagu sugayo oo ciidamadooda ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo deegaannada ay ka howlgalaan dhowrkii cisho ee u dambeeyey.
Afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid iska kaashadeen ciidanka dowladda lagu soo qabqabtay tiro uusan cayimin oo la tuhmanayaak Al-Shabaab, kuwaasoo hadda baaritaan uu ka socda.
Xumad ayaa sheegay in AMISOM ka hortagtay weerarro Al-Shabaab ay dooneysay in ay ka fuliso magaalada Muqdisho, ciidamada Booliska iyo Nabad Sugiddana ay aad u niyad jabsan yihiin taasina ay sababtay inay gudan waayaan waajibaadkoodi shaqo, Afhayeenkuna waxa uu ka codsay in dowladda Soomaaliya ay siiso ciidamada Mushaarkooda iyo daryeelka ay u baahan yihiin.
Afhayeenka ayaa dhanka kale sheegay in ciidanka AMISOM ay gargaar cunno ah u qeybiyeen dad ku dhibaateysan tuulooyin ay Al-Shabaab go’doomiyeen oo ku yaalla degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Al-Shabaab ayaa kordhisay qaraxda iyo weerarrada kale ee ay fuliso tan iyo markii ay billaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com