Garoowe, AGGM: Wasiirkii hore ee Jaaliyadaha Dibadda, Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) ayaa ka hadlay xilka qaadistii dhawaan uu ku sameeyey
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudana Cabdiwali Sh Axmed taliyihii Ciidamada Booliiska Soomaaliya Mudane Jeneraal Cabdihakiim Daahir Siciid “Saacid”.
Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa ugu horey waxaa la weydiiyey sida uu u arko xilkaqaadista Jenaraal Saacid lagu suubiyey waxaana uu ku jawaabay.
“Habka xilka looga qaaday taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Saacid, horta sharciga ciidamada iyo sharciga shaqaalaha waxa ay qeexayaan qaab loo maro xil u dhiibida iyo xil ka qaadida qofka waxaa soo jeedinaya wasiirka ay shaqadaas qaabilsan tahay hey’adaas sida wasiirka amniga oo qaabilsan wasiirka amniga oo qaabilsan dhanka amniga marka uu soo jeedinayana waxa la keenayaa golaha wasiirada in ay ogalaadaan iyo in ay diidaan labaduba waa ay u banaan tahay”
Halkaan Hoose Ka Dhageyso.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com