Dhageyso: Horjooge Cali Jabal Oo Sheegay In Raggii Shalay La Toogtay Ay Al Shabaab Ka Tirsaneyn Iyo Hanjabaad Uu U Diray Wasiirka Ammniga.

0

Muqdisho, AGGM:Cali Jabal Dhalinyarada shalay Muqdisho lagu toogtay Al Shabaab kama Tirsaneyn Marxuumad Nafiso Cismaana Annagu Ma dilin.

Waaliga ugu magacaaban Gobolka Banaadir falaagada Alshabaab ayaa wasiirka Ammnigu ku tilmaamay mid xadgudubyo ka sameeyey magaalada Muqdisho islamarkaana galiyey xarig iyo xabsi shacabka isaga oo sheegey in uusan Muqdisho soo dhaweyn ka heleeynin.

Horjooge Cali Jabal wuxuu xaqiijiyay in Al Shabaab cidda ay dagaalka kula jirto uu cad yahay islamarkaana dadka ay dilaan ay warbaahinta ka sheegtaan balse wiilashii Muqdisho lagu toogtay iyo gabadhii horay loogu dilay Yaaqshiid ee Nafiso Cusmaan aanay iyago ka dambeyn.

“Markale waxaan sheegaynaa in aan dilin gabadha reerkeeda waxaan leenahay annugu bari’ii ayaan ka nahay falkaasi namasoo galo,annagu cidda aan dilno waan sheeganaa waana cadyahay cadawga dagaalku naga dhaxeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Horjooge Cali Jabal.

Ugu dambeyntii falaagada Al Shabaab waxay sheegtay in gummaadka shacabka uu halkiisa kasii amba qaaday Khaliif Ereg oo horay usoo noqday taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir balse ay tallaab ka qaadi doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com