Muqdisho, AGGM:Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden ayaa sheegtay in ay dacwad ku soo oogi doonto xubno ka tirsan guddiga Qarammada midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Ereterea ee lagu magacaabo Monitoring group.
Guddiga ayaa dhawaan soo saaray warbixin uu ku sheegayo in xilligii ay Fowsiyo ahayd wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay iyada, xubno sare oo ka tirsan dowladda iyo shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo qaabbilsan arrimaha sharciyada ay musuq-maasuqeen dhaqaale ay leedahay dowladda Soomaaliya.
Fowsiyo oo saxaafadda kula hadashay magaaladda Muqdisho ayaa beenisay warbixinta uu soo saaray guddiga, waxayna ku tilmaantay mid been abuur ah, waxayna intaas ku dartay in ay dacwad ku soo oogi doonto kuwa qaray warbixinta.
Xildhibaanadda ayaa ku eedaysay guddiga in uu ka soo horjeedo horumarka Soomaliya iyo u madax banaanida arrimaheeda.
Guddiga ayaa sheegay in uu hayo macluumaad muujinaya lunsashada hantida, iyadoona nuqul ka mid ah qoraalka ay soo bandhigtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com