Dhageyso: Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Beesha Hawiye Oo Maanta Ku Shiray Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Beesha Hawiye ayaa waxaa ay ma kale ka soo horjeesteen Dhisida Maamulka Saddexda Gobol Ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Hawiye,iyagoona kulanka Ujeedkiisu uu ahaa in ay Muujiyaan sida ay oga soo horjeedaan Dhismaha Maamulka Saddexda Gobol ee Koofur Galbeed.

Garaad C/laahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonsigii Maamulka Saddexda Gobol iyo Gudigii Dhawaan uu Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay yihiin kuwo aan Sharciga Dalka u yaala aan waafaqsaneyn.

Sidoo kale Odayaal ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay laga Maamulo Gobolka Shabellaha Hoose.

Beesha Hawiye ayaa ah Markii Labaad oo ay ka soo horjeestaan Maamulka Saddexda Gobo lee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Qaybta 1-aad

Qaybta 2-aad


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com