Mombasa, AGGM:Uguyaraan saddex qof ayaa ku dhimatay 11 kalena wey ku dhaawacmeen weerar dabley hubeysan oo aan la garaneyn ay xalay ka geysteen xaafadda Likoni ee magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ee dalka Kenya .
Dadka dhaawacmay waxaa ku jira wiil 11 sano jir ah, waxaana la geeyay isbitaalka magaalada Mombasa, sida uu qoray wargeyska the standard ee kasoo baxa Kenya.
Madaxa ciidanka booliska gobolka xeebta Ropert Kitur ayaa sheegay in saddex nin oo hubeysan ay weerarka fuliyeen xalay saddex saac oo habeennimo, islamarkaana ay baxsadeen.
Wuxuu tilmaamay inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan sida ay wax u dheceen iyo ciddii ka dambeysay.
Gobolka xeebta ee dalka Kenya ayaa dhawaan ka dhacay weerarro ay ku dhinteen in kabadan 100 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, inkastoo dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarradaas siyaasiyiinta dalkeeda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com