Mareykanka oo bixiyey xog Al-Shabaab ku saabsan oo dad badan aysan ogeyn

0

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Milliteriga, Tom Kelly ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tahay koox baxsad ah.

Kelly ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Suxufiyiinta kula hadlay Madasha ay Hoggaamiyayaasha Afrikaanka iyo Maraykanka kulanka ku leeyihiin ee magaalladda Washington.

“Alshabaab waxay ku jiraan carar, waxaana u mahadcelinayaa dadaalka Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka” ayuu yiri Diplomaasigaasi oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dowladaha ciiddamadda ku soo biiriyey Hawlgalka AMISOM.

“Dad badan kama war-hayaan in Al-Shabaab ay xaaladda mel xun ka mareysaa, balse taas waa xaqiiq” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray inay iminka kooxdaas isugu soo aruurtayqaraxyo iyo dilal gaadmo ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hawlgalka AMISOM ugu deeqeen in ka badan 500-million oo Dollar tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Alshabaab sannadkii 2007-dii.

Tom Kelly waxa kaloo uu ka hadlay weeraraddii Alshabaab ka geysteen dalalka Kenya iyo Djibouti, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay mid muujinayo awood yarridda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu xusay inay Dowladda Maraykanka ka taageeri doonaan Kenya iyo Djibouti sidii ay isaga difaaci lahaayeen weeraradda Alshabaab.

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Milliteriga, Tom Kelly waxa uu qiray inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka hawlgallo ka fuliyeen dalka Somalia muddo sannooyin ah, si ay u hagaajiyaan Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia kula dagaalamayaan Dagaalyahannadda Xarakadda Alshabaab.