Puntland Ma Malayshiyaad Kooxeed Baa Miyeysan Maamul Goboleed Aysan Aheyn?

0

Laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadihii 2006 ilaa 2007 oo maamulka Puntland uu si rasmi ah ugala wareegay gacan ku haynta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool maamulka Somaliland ayaa waxaa maalinba maalinta kasii dambaysa soo if baxayey kala daadsanaanta iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda Puntland iyo beelaha ku midaysan maamulkaasi.

Iyadoona magaalooyin badan oo ka tirsan deegaanada Puntland ay ka dhaceen dibad baxyo iyo kacdoono dhowr ah oo Lagaga soo horjeeday xukuumaddiisii xiligaasi ka talinayey deegaanada Puntland oo qaarkood dibad baxayadaas iyo kacdoonadaasi u wajahay xoog dagaal iyo awood malateri.

Magaalooyinka kacdoonadu ka dhaceen ayaa waxaa kamid ahayd magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar Kaar waxaana gudaha magaaladaasi ka dhacay kacdoon shacab oo is badal doon ah sanadkii 2013, inkastoo madaxweynihii xiligaasi talada u hayey Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) uu si xun ula dhaqmay shacabka reer Qardho
isla marakaasna gudaha magaaladu uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya shacabka iyo ciidamada Puntland oo si ba an u wax yeeleeyey shacabka reer Qardho.

Sidoo kale waxaa iyana xaafada Garsoor magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacay sanadkii 2011 kacdoon dhalinyaro kaas oo asalka ku hayey in wax laga badalo qaabka khadlan ee Puntland ay u wajayso masiirka shacab weynaha ku dhaqan deegaanada Puntland waxaana Puntland ay kacdoonkaasi dhalinyarada u badashay qaab argagaxiso, iyadoona ku tilmaamtay dhalinyaradaasi in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta iyo badhtamaha goboladda dalka
Soomaaliya waxaana ay arintaasi dowladdu u wajahday hab dagaal iyo
awood ciidan oo dhamaystiran.

Marka laga yimaado arimahaasi oo idil ayaa waxaa iyana dabayaqadii sanadkii 2013 bishii November 11 dagaal caadi ah uu ku qaaday maamulka Puntland degmada Taleex ee gobolka Sool, iyagoona arintaasi ugu mar marsoonayey madaxdii Puntland ee wakhtigaasi oo ay kamid yihiin madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo ku xigeenkiisii Gen. C/samad Cali Shire in gudaha degmadaasi uu ku xoogan yahay maamulka Khaatumo oo ka taliya deegaano hore uga tirsanaa maamulka Puntland kadib markii madaxda kala duwan ee Puntland iyo isimadda kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ay isku fahmi
waayeen siyaasada iyo ajandaha kaga aadan Puntland deegaanadaasi ayna samaysteen maamul u gaar ah si ay uga tashadaan masiirka iyo mustaqbalka shacabkooda, waxaana dagaalkaasi ku naf waayey ilaa 8 ruux oo shacab ah halka ay ku barakaceen ku dhowaad ilaa 700 oo qoys.

Dadka indha indheeya siyaasada iyo is badaladda Puntland ayaa arimahaasi ku micneeyey in khal khal xoogan uu ka jiro siyaasada arrimaha gudaha Puntland isla markaasna marnaba aysan wasiirada arrimaha gudaha Puntland muhiimada siinin sidii wax looga qaban lahaa siyaasada arrimaha gudaha Puntland iskuna arkaan xili kasta in khaladaadka ugu badani ay ka yimaadaan beelaha ku midaysan maamulka Puntland una banaan tahay xukuumad kasta oo ka jirta Puntland in dagaal baahsan ay ku qaadaan beelaha cabashadu kasoo yeedhay ama is badal doonka ah, waxaana halkaasi ka dhasha kala fogaasho u dhaxeeya madaxda sar sare ee Puntland iyo shacabkooda oo aysan u arkin xili
kasta kuwo u haya hanaanka dowladnimo ayna u arkaan kuwo bur burinaya masaaliixda iyo danahaooda ka shacab ahaan.

Dhacdooyin La Yaab Leh Oo Dhacay Puntland Amaba Ka Jira Puntland

Xiliyada aad ku sugan tahay goobaha kala duwan ee la iskugu yimaado amaba ay ku kulanto bulshadu waxa aad arkaysaa amaba ay indhahaagu qabanayaan ciidamo Police ah oo wata gaadiidka dagaalka iyo baabuurta gaashaaman oo raaf ku haya amaba kuwada shacabka iskugu yimid goobahaasi, waxaana xiliyada qaarkood dhacda in arday iyo kooxo dhalinyaro ah lagu qabto goobahaasi isla markaasna lagu soo eedeeyo in ay ka tirsan yihiin ururada argagixisada iyo in ay qorshaynayeen falal
lidi ku ah amaanka deegaanka waxaana dhalinyadaasi lasoo taagaa maxkamaddo halka qaarkood ay kusoo furtaan dhalinyaradaasi eheladoodu lacago xad dhaaf ah si ay uga bad baadiyaan kiisaska aysan mutaysan.

Sidoo kale dhanka wadooyinka waa weyn ee magaalooyinka Puntland oo aad u cidhiidhiya iyo shixnada gaadiidka oo aad u badan awgeed waxaad arkaysaa in maamul la aan ay ka jiraan wadooyinka waxaana sidoo kale indhahaagu ay qabanayaan wiilal yar yar oo laamiga goosanaya, iyagoona ugu caga juglaynaya cidas ay doonaan in sida ay rabaan ay ka yeeli karaan iyo is sgarab yaac baahsan oo ka jira wadayaasha gadiidka sababo la xidhiidha maamulka Puntland oo marnaba xooga saarin hirgelinta iyo tayeynta ciidamada ilaalada wadooyinka.

Dhacdadii Ugu Yaabka Badnayd Ee Dhacda Puntland Todobaadkan Kadib markii madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas wareegto kasoo baxday xafiiskiisa uu xilalkii kaga qaaday shakhsiyaad ay kamid yihiin taliye ku xigeenkii ciidamada Police-ka Puntland, taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale agaasimihii Tv-ga Puntland Axmed Kismaayo ayaa waxaa xarunta Tv-ga Puntland ee magaalada Garoowe Shantii bishan August la wareegay ciidamo
malayshiyaad ah oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen shakhsiyaadkaasi oo isku hayb ah, waxaana xarunta Tv-gu noqotay mid laga wada dareeray isla markaasna masuuliyadeeda ay la wareegeen ciidamadani.

Inkastoo isku dayo badan la sameeyey ciidamo badana lasoo dhoobay afaafka hore ee Tv-ga hadana dhacdaasi waxay dhabar jab ku noqotay maamulka madaxweyne Gaas, waxaana sidoo kale ciidamada amaanka Puntland habeenimadii xalay ahayd ay jeelka u taxaabeen wariye Faadumo Yuusuf Taxadar oo kamid ah bahda saxafiyiinta Puntland kadib markii waraysi la xidhiidha dhacdaadii Tv-ga Puntland ay siisay Idaacadda VOA.

Bur Bur Maamul Oo Ka Jira Puntland & Khilaafka Oo Sii Xoogaysanaya

Maamulka Puntland oo kamid ah maamuladdii ugu horeeyey ee laga aasaaso deegaanada Puntland iyo guud ahaaanba Soomaaliya waxa uu haatan jiraa 16 sano waxaana la aasaasay sanadku markuu ahaa 1998 bishii August kowdeedii, balse hadana waxaa jira in Puntland ay xiligani ku jirto xaalad aad u adag marka laga eego dhinacyo badan oo ay kow u tahay:-
Ku qancinta shacabka reer Puntland maamulkooda, Siyaasada arrimaha gudaha oo aad u liidata, Samaata bixin wacan oo aysan helin Puntland, Wadaniyad dhab ah oo aan oolin Puntland, Kalsooni xoogan oo aan lagu qabin Puntland, Kala daadsanaan iyo khilaaf u dhaxeeya shacabka iyo madaxda Puntland, Danaysi iyo calool u shaqaysi, Daryeel la aan Haysata ciidamada Puntland gaar ahaan ciidamada Daraawiishta, Maamul xumo ka jirta deegaanada kala duwan ee Puntland, Go aan qaadasho deg
deg ah, Dagaal joogto ah oo lagu qaado beelaha wax ka tirsanaya ama wax ka sheeganaya dowladda, Xuquuq la aan iyo wariyaasha oo la xaqiro
lana xidho xili kasta, Awood buuxda oo uu haysto qofkasta oo madax ah, Kala dambeyn la aan iyo Dhaqaalaha oo la curyaamiyo.

Puntland waa maamul goboleed ee maaha malayshiyaad kooxeed waxaase xaalada qasaya waa siyaasi aan lahayn aqoon durugsan amaba ku helay booskiisa hayb beeleed.

Maxaa La Gud Boon Madaxda Puntland? Masiirka Shacabka Maxaase U Dambeyn?

Madaxda Puntland waxaa looga baaahan yahay in ay u dhabar adaygaan masuuliyada ka saaran deegaankooda iyo dadkooda, waxaana laga rabaa in ay noqdaan dad aqoon durugsan u leh marxalad kasta oo taagan si loo bad baadiyo qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhalinyarada aqoonta leh ee reer Puntland ha noqdeen kuwo u soo jeeda mustaqbalka dalkooda hana u istaageen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen soo celinta deegaanadooda iyo sidii maslaxad loo kala dhex dhigi lahaa dadka ku midaysan maamulka Puntland.

Fiiro Gaar Ah:- Hadii madaxda Puntland is badal ka samayn waayaan dhinacyo badan waxaa beelkastaa maamul u gaar ah ka hirgashanaysaa deegaankeeda, waxaana sidaasi ku baaba aya masiirka Puntland iyo haykalka loo aasaasay Puntland oo ku dhisan bad baadinta qaranka Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa dowladd wanaagsan oo dalka ka hana qaada.

NB:Qoraalkan Damaanadiisa Waxa Iska Leh Qoraha Qormadaan Mana ahaa Fikir Ka Yimid Warbaahinta www.xaysimo.com 

W/Qore: Wariye Abdirahman Wadani
Email: axmedyare1001@gmail.com