Dhageyso: Duqeynti Xalay Kadib Waa Sidee Maanta Xaalada Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Kadib xalay markii tiro madaafiic ah ay ku dhaceen xaafado ku yaalla Muqdisho ayaa waxa lasoo sheegayaa in xaaladu maanta ay tahay mid deggan inkastoo faah faahino kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay madaafiicdii Xalay.

Dhowr Madfac ayaa lasoo sheegay inay ku habsadeen Xaafado ku yaalla Degmada Xamar Jajab inkastoo badi meelo banaan ku dhaceen hadana qaarkood ayaa khasaaro geystay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay ka argagaxeen madaafiicda markii ay xaafadahooda kusoo dhacayeen kuwaasi oo ugabaad tagey dhismayaasha Shubka ah.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore ayaa sheegaya inay ka war hayaan Qoys madfac ku dul habsaday oo cunug Umul lagula jiray ku dhintay hooyadiis iyo Aabihiisna ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay inay madaafiicdaasi ka dambeeyeen Al Shabaab.

Xaalada ayaa ah maanta mid deggan inkastoo Xamar Jajab laga hadal hayo madaafiicdii xalay halkaasi lagu garaacay.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com