Maqaal: Isbatoore Fartaag Hadaad SADE U Dhalatay Garbahaarey Tag, Hadaadan U Dhalana Kismaayo Ka Soo Waaq Waaq Dheh.

0

Maanta mar aan dhageystay mid ka mid ah Idaacadaha Soomaalida ayaa waxaan ka dhagaystay Isbatoore Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka hadlaya  shirka Garbahaarey, waxaana kamid ahaa hadaladiisi (Garbahaarey Waxay U Baahan Tahay In Biyo Loo Dhaamiyo Ee Umma Baahna Shir).

Shirka MIDNIMO ONE ee ka furmaya magaalada madaxda gobolka Gedo ee Garbahaarey inta aan ka ognahay waxaa aayahooda uga tashanaya Beesha SADE, koox gaar ah iyo qooys gaar ahna loogu daneeyn maayo, haddaba su’aasha isweeydiinta mudan waxa ay tahay Isbatoore Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) miyuusan u dhalan beesha SADE, Gobolka Gedo mawuusan ahayn gobolka uu u nasab sheeganayay inuu ku dhashay?

Markaad qiimeyso hadalka kasoo yeeray Isbatoore Fartaag soo kuuma soo baxayso in waxbadan leeys huwiyay loona baahan yahay in lakala hufo dadka? mise waxaan u daynaa arinta (Anaga Ku Sheegi Meeyne Adiga Ha Is Sheegin)?

Run ahaanti waxaan ku oran karaa Isbatoore Fartaag oo qura (Isbatoore Fartaagow Hadaad SADE U Dhalatay-na Garbahaarey Tag, Hadaadan U Dhalana Kismaayo Kasoo Waaq Waaq Dheh) oo ah qoraalkaygan cinwaakiisa…

Ugu dambeynti Waxaan baaq u dirayaa dhamaan inta Dhimirkooda iyo Damiirkoodaba TAAMKA yahay, shirka MIDNIMO ONE ee ka furmaya caasimada gobolka Gedo ee Garbahaarey hadaad tahay Muxaafid iyo hadaad tahay Mucaarad, hadaad tahay Xildoon iyo hadaad tahay Xaldoon ninkii laga waayaa shirka MIDNIMO ONE ee Garbahaarey oo aan keenin daliil cad oo uu uga maqnaan karo, waxaan oranayaa waa inna gumeed ujeed kale leh, lagana qaadan maayo Gunnimada uu u heelan yahay inuu qaato maalin walba.

Wabilaahi Towfiiq

Maxamed Cumar Xasan
Nairobi, Kenya

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com