Soomaliya; Is barbardhig Oktoober 1974 and Oktoobar 2014, Dalku waa dalkii, Dadkuna waa dakii, Dawladduse dawladdii ma ahan!

0

Sannadkii 1974kii xilligan oo kale waxaa Soomaliya ka dhacay Abaartii Dabadheer ee si weyn u saamaysay guud ahaan dalka Soomaliya, gaar ahaan Gobollada Tog-dheer, Sool, Nugaal iyo qaybo Gobollada dhexe ka mid ah.

Xilliga Abaartii dabadheer dalka ku habsatay, waxaa dalka oo dhan ka socday Ololihii la magac baxay “Ololaha Hurumarinta Reer Miyiga” oo dhammaan gobollada dalka ka socday, kaas oo ay ka qayb galeen Ardada Dugsiyada sare ee dalka, (marka laga reebo kuwa sannadka 4aad) Macallimiinta Dugsiyada sare, qaybo ka mid ah shaqaalaha wasaardda Caafimaadka, qaybo ka mid ah ciidamada qalabka sida, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka iyo qaybo ka mid ah ururada Bulshada.

Mashruuca Ololaha Horumarinta reer miyiga waxaa uu isugu jiray la dagaallanka wax akhris qoris la’aanta, daryeelka caafimaadka dadka iyo Xoolaha, iyo wacyi galinta bulshada.

Ololahaasi waxaa laga fuliyay 125,000 (Boqol labaatan iyo shan kun) oo goobood,waxaana uu gaaray ilaa heer tuuloyinka yaryar ee aan horay akhriska iyo qorista iyo adeegyada kale toona u gaarin.

Tirada dadka reer miyiga ee ka faa’iidaystay ololaha waxay aheyd 1,257,779 qof, taas oo tirada dadka wax qori kara waxna akhrin kara ee Somaliyeed gaarsiisay boqolkiiba 55% halkii ay Ololahaasi ka hor ahayd boqolkiiba 2%. Tirada dadka ka shaqaynayay ee isugu jiray Macallimiin, Ardaydii Dugsiyada sare, Ciidamada qalabka sida iyo dad kaleba waxay tiradoodu ahayd 28.000 (sided iyo labaatan kun) oo qof.

Mashruucaasi waxaa uu soo jiitay guud ahaanba indhaha caalamka, ha noqoto dawlado, ururro ama qorayaasha arrimaha dunida wax ka qora. warbaahinta dunida ayaa Ololahaasi hal-hays u noqday, waxana la qiray in ay Somaliya heshay hoggaan leh Hiraal Arag dawladnimo (Statehood Vission) ay ku dheehan tahay isku kalsoonaan buuxda iyo isku tashi dhab ah, kaas oo beegsanaya in uu dalkiisa gaarsiiyo halka ay dunida horumartayi gaartay.

Waxaa tasi laga garan karaa, hal ku dhegyadii Allaha u naxariistee Moxamed Siyad Barre ee uu ficil ahaan ka dhabeeyay, waxaana ka mid ahaa;

Moxamed Siyaad Barre Mar uu la hadlayay Dawladaha Maraykanka iyo Ingriiska oo ku hanjabay in ay Somaliya ka joojin doonaan kaalmadii ay siin jireen ayaa waxaa uu yiri “Baarey Guur Sixnigaaga la guur, Dhereg Gunnimo leh waxaan ka dooranay Gaajo Gobanimo leh”. Taas oo albabada u xirtay in talada iyo siyaasadda Somaliya ay la hayste u ahaato Sandareerto shisheeye oo dabin ah, taas oo loola jeedo in arrimaha Somaliya dibadda laga maamulo iyo in dadka Somaliyeed maskaxdooda laga mayro garashada iyo dareenka xorta ah.
Waxaa halkan in aan is xasuusino mudan, curashadii Kacaankii 21kii October ka hor, waxaa caalamku Somaliya u yiqiinay “Xabaashii Kaalmada Adduunka ama Godka kaalmada” Siyaasaddii Kacaanka ee ku salaysnayd erayada kor ku xusan ayaa magacaasi foosha xun meesha ka saartay, xabaashaasna magaca Somaliyeed dibadda uga soo saartay, sharaftii Somaliyana dib u soo celiyay.

Lahaanshaha Hiraal-aragga Dawladnimo ee hoggaanmintii Moxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee uu xilliyadaas iyo duruufahaasi adag dalka ku hoggaaminayay ayaa waxaa ay Somaliya ku kasbatay Aqoonsi caalami ah oo ay ka heshay bulshada caalamka inteeda badan. Af Soomaaliga ayaa waxaa loo aqoonsaday afka sadexaad ee Qaarada Afrika marka laga reebo Afka Carabiga iyo afka Xawsaha..

Arimahan oo dhan waxay dhaceen afar sano ka dib kacaankii 21kii October 1969kii , afartaas sano oo dibad iyo gudaba dagaal lagula jiray sidii loo curyaamin lahaa ujeeddooyinka kacaanka.

Maxdwaynihii dalka Tanzania J. Nearere ayaa khudbad uu u jeediyay dadka reer Tanzania waxaa uu kaga hadlay Ololaha Horumarinta reer miyiga ee Somaliya ka socda, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “ waxa annagu aan hadal hayno, Somalidu ficil bay u qabateen” taas oo uu ula jeeday in Somaliya ku dayasho mudan tahay.
(Muuqaalka Ardada ka qayb gashay Ololaha Horumarinta reer miyiga 1974)

Iyadoo Ololaha baaxaddaas leh uu dalka ka socdo, ayaa bishii Octobar ee sannadkii 1974tii waxaa Gobollada kor ku xusan ka dhacay Abaar si aad iyo aad ah halis u galisay nolosha dad iyo duunyo aad u tira badan, abaartaas oo si ahaan la oran karo waxay la nooc ahayd midda maanta ka taagan Gobolka Gedo, hase yeeshee waxay kaga duwan tahay “Dalku Xilligaas Agoon ma ahayn!. Sida maanta uu Aabbe la’aanta u yahay ma ahayn!”
(Ololaha Horumarinta reer Miyiga 1974)

Xilligaasi waxaa dalka ka talinayay kacaankii 21kii Octobar sannadkii 1969kii dalka ka curtay ee uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee Gen. Moxamed Siyaad Barre,

Sida aad ka garan karto erayada hiralka siyaasadeed (Political Vission) cuskan ee aan kor ku soo tibaaxnay, Moxamed Siyad Barre, waxaa uu aaminsanaa isku kalsoonaan naftiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba, waxaa uu aaminsanaa in marka la isu geeyo muruqa, maalka iyo maskaxda laga guulaysan karo dhibaato kasta oo soo derista.

Waxa uu aad uga soo horjeeday in kaalmo shisheeye la isku halleeyo ama beesha caalamka loo gacan hoorsado, sidaas darted Abartii daba dheer ma jirin wax baaq ah oo beesha caalamka lagu weydiistay in ay gargaar degdeg ah la soo gaaraan, (sida hadda dhaqan dawladeedka Somaliyeed yahay)

(Muuqaalka qaar ka mid ah danwadaagaha Beeralayda 1974)

Abaartii daba dheer ma ahan oo kaliya in dadkii iyo xoolihii biyo iyo raashin loola gurmaday, wuxuu ahaa barnaamij lagu saleeyay sugidda nolosha mustaqbalka dambe (Ensuring future life) ee dadka abaarta ku wax yeelloobay.

Dadka abaarta wax ku noqday waxay ahayeen dadkii reer miyiga ahaa ee xoola dhaqatada ahaa, dadkaas oo intooda badan xoolihii ka dhammaadeen, waxaa muuqatay in haddii cunto iyo biyo loola gurmado, aysan wax weyn u taraynin. Haddaba, iyadoo arrintaas la gartay ayaa Golihii sare ee kacaanku waxay go’aamiyeen in dadkaasi loo abuuro nolol ka wanaagsan tii ay abaarta ka hor ku sugnayeen, taas oo ah in loo sameeyo barnaamij dib u dejin ah (resettlement Program) waxaa loo tusmeeyay dib u dejin dhinaca beeraha ah iyo dib u dejin dhinaca kalluumaysiga ah, waxaana loo bixiyay magaca Dan wadaag,
(Muuqaalka qaar ka mid ah Danwadaagtii kalluumaysatada 1974)

Danwadaagta beeralayda waxaa la dejiyay qaybo ka mid ah dhulbeereedka Gobolka Sh/Hoose oo ay ka mid ahaayeen Kurtun Waarrey iyo Sablaale, kuwa kalluumaystadana waxaa la dejiyay qaybo ka mid ah Xeebaha Marka iyo Barawe,

Danwadaagaha waxaa loo dhammaystiray wax kasta oo ay noloshu u baahnayd, qoys kasta waxa loo dhisay Guri uu isagu iska leeyahay oo qalabaysan, waxaana la siiyay dhul Beereed uu isagu hanti ahaan u leeyahay, waxaa la siiyay qalabkii uu beerta uga shaqaysan lahaa, danwadaagaha kalluumaysatada iyagana sidaas oo kale ayaa loo agaasimay, danwadaagaha waxaa loo dhammaystiray tababarka xirfadaha beeraha iyo kalluumaysiga, muddo aan sannad ka badnayn ayay isku fillaan dhan walba ah ku gaareen.
waxaa xasuus mudan Gurmadkii abaartii dabadheer waxaa iskiisa uga qayb qaataydalkii midowga SOVIET la oran jiray, waxaana uu keenay diyaarado nooca xamuulka qaada ah, kuwaas oo runtii aad u fududeeyay soo daad gurayntii dadka iyo xoolahaba, m jirin cid kale oo gacan muuqata ka geysatay gurmadka usiibadaasi dabiiciga ah, isla markaasna taliskii kacaanku cidna uma gacan hoorsanin.

Dhanka kale, sannadkii 1974kii waxqabadka taariikhda ka diiwaan galay waxaa kale oo ka mid ah; ka mid noqoshadii Ururka Jaamacadda Carabta iyo Shirkii Ururka Midowga Africa ee Muqdisho lagu qabtay.

Waxaa kale oo aan marnaba la illaawi karaynin mashruucii bacaad celinta Shalanbood ee Degmada Marka, mashruucaas oo maalin kasta oo Jimce ah ay boqollaal qof si iskaa wax u qabso ah uga qayb qaadan jireen, mashruucaasi oo kharaj jimce kasta ku baxa lagu qiyaasay in ka badan sh.so. 100,000 (boqolkun oo shilin).
(Mashruucii Bacaad Celinta Shalanbood)

Mashruucaasi ma jirin haba yaraatee cid dawladda iyo shacabka Somaliyeed ahayn oo haba yaratee wax gacan ah ka gaysatay.

Haddii aan isku dayo in aan wax ka tilmaamo sababaha ugu waaweyn ee Golihii sare ee kacaanka oo ku sugnaa heer bilow ah (early Stage) ay ku gaareen guulahaasi taariikhda Somalida iyo tan dunidaba ka diiwaan galay, waxaa muuqata in ay adeegsanayeen qawaacidda (formula) hoos ku qoran oo ka mid ah kuwa loo adeegsado Hiraal-aragga (Vission) hoggaaminta toosan.

Know who you are and be who you are! Ogow qofka aad tahay, isla markaasna waa in aad ahaataa qofka aad tahay, waxay ogaayeen in ay yihiin masuuliyiinta qaranka, waxaana ku sifoobeen masuuliyiin qaran oo dhab ah.
Do what you love, Love what you do! Samee waxaad jeceshahay, jeclow waxa aad samaynayso. Waxay jeclaayeen in ay si daacad ah ugu adeegaan qaranka, sidii ay u adeegeenna waxay noqotay mid la jeclaystay.
If you belief you can’t you are wright and you can’t! Haddii aad rumaysan tahay in aadan samayn Karin, sax baad tahay, mana samayn kartid. Waxay rumaysnaayeen in ay wax qaban karaan, sax ayay ahaayeen waxayna qabteen wax wanaagsan oo taariikhdu kaydisay.
Personal power is different from posional power! Awoodda qof ahaaneed waa ay ka duwan tahay awoodda xilka. Waxaa loola jeeda awoodda qofku waxay ku dhisan tahay isaga aragtidiisa iyo tabartiisa qof ahaaneed, hase yeeshe awoodda xilku waxay ku dhisan tahay sharci, xeer ama qaanuun, taas oo xil haye kasta heerkuu doonaba ha joogee ku khasbaysa in uu ilaaliyo siday tahayna ugu dhaqmo.
Saas darted, murtidani waxay ka digaysaa in qofka masuulka ahi uu xilkiisa u adeegsado sida ay isaga la tahay, kana leexdo sida xeerka iyo qawaaniintu qabaan.

Garashada iyo adeegsiga qawaaciddan (formula) sare ku xusani waxaa saldhig u ah lahaanshaha Hiraal-arag (Vission) ku aaddan xilka qofka saaran.

Haddaba, waxaan hubaa in qoraalkani, walow uu aad u kooban yahay in uu si toos ah ilayska ugu daarayo baahida dadka Somaliyeed u qabo hoggaan leh Hiraal-arag siyaasadeed (Political Vission) oo garta isla markaasn adeegsada qawaaciddan sare ku tibaaxan, haddii aan taas la helinna, waxaa muuqata in rajada mustaqbalka Somaliya halis ku sugan yahay.

Qoraalkan ka sokow, waxaa baahidaasi si toos u ifinaya Abaarta dad iyo duunyaba gallaafatay ee manta ka taagan Gobolka Gedo, taas oo halka xaaladdeedu marayso laga garan karo dhawrka masawir ee aan halkan ku soo bandhignay, waxaa hubaal ah in Dawladda Somaliyeed ay si toos ah u dayacday waajibka ka saaran dhibaatad dabiiciga ah ee manta ka taagan Gobolka Gedo, waxaa muuqata in aysan Dawladda Federalka ah aysan ilaa iyo haddeer xataa wax baaq ah ka soo saarin dhibaatada baaxaddaas leh ee ka taagan qayb aad u ballaaran oo dalka ka mid ah.
(Muuqaalka xaaladda naxdinta leh ee manta Gedo ka taagan 2014ka)

Iska daa in Dawladda Federalka ahi dhibaatada si masuuliyadeed ama si baniiaadaminimo uga damqadaane, Waxaaba madaxdii sare ee Dawladda Federalku mashquul ku tahay safarro iyo booqashooyin dalalka dibadda oo ujeeddada ugu weyn ee loo aaday ay tahay kaalmo dhinaca dhaqaalaha ah. Xataa looma yabooh tagin dhibaatada abaaraha.

Waxaa hubaal ah taariikhda lama illaawaanka ah ee dawladdii kacaanka u diiwaan gashay abaartii dabadheer ee sannadkii 1974kii ayaa mid caksigeeda ahi u diiwaan gali doontaa dawladda federalka ee sannadkan 2014ka Somaliya ka talisa haddii aysan sida ugu dhasaha badan ugu gurmanin dadka iyo duunyada maalin walba ku dhimanaya abaarta Gobolka Gedo ka taagan.

Waxaana dhici doonta in ay sii biirisa dhalliilaha kale ee dhinacyada kala duwan ee uu Shacabka Somaliyeed siyaabaha kala duwan uga tirinayo Dawladda Federalka Somaliya ee sannadkan 2014ka.

Waxaa runtii in halkan laga xuso mudan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Moxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo muujiyay dareen masuuliyadeed, mid banii-aadaminimo iyo mid shakhsiyadeedba, gurmad dhaqaale oo toos ahna gaarsiiyay dadkaasi tabaalaysan, taas oo ah mid diiwaanka taariikhda gashay.

Prof. Xasan

Xasan.Sh .Cali (X. Cadde)

Your Feedback is most important
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com