Bisha oktoobar oo ah bil sooyaalka soomaaliyeed saamaayn wayn ku leh ayaa sanad kasta marka ay soo marta lagu xusuustaa dhacdooyin xiisa badan oo kala duwan, balse taariikhahaas kuwa ugu mudan waxaa kamid ah kuwii dhacday 12 Oktoobar 1954 oo ah maalinta calanka iyo 21 Oktoobar 1969 oo aheed maalintii uu gayiga soomaaliya ka curtay kacaankii barakaysnaa oo ciidan xoo ga Dalka soomaaliyeed kula wareegeen talada dalka oo aheed maalma yar kadib markii ladilay Madaxwaynihii Soomaaliyeed Allaha Unaxariistee Dr Cabdirashid Cali Sharmaake
Markasta oo laxuso taariikhdaii 21 Oktobar ee 1969kii ayaa waxaa sidii dayaxii kadhex mooqanaaya magaca iyo miisaanka Allaha unaxariistee General Jaalle Muxamed Siyaad Barre oo ahaa hogaamiyihii golihii sare ee kacaanka noqdayna madaxwaynihii dalka kaasi oo mudo 21 sana ah wadanka soo maamulayay taasi haatan lagajooga 45 Sana.
Curashadii kacaan ayaa waxay aheed arrin ay ummada soomaaliyeed taariikhdeedi baal cusub ufurtay waxayna midaasi ay midaysay quluubta ummada soomaaliyeed intii xorta aheed waxayna raja wayn galisay kuwii gobanimada uhalgamaayay , bulsha weenti soomaaliyeed ee waqtigaasi joogtay ayaa si wayn usoo dhaweeyay ayagoo ukala harin, waxaana cadayn dhamaystiran u ahaa heesihii faraha badnaa ee loogu damaashaaday laguna soo dhawaynaayay nidaamka cusub,Heesahaas ayaa waxaa ka mid ahaa ‘Toowradatan barakaysan, Talaabadii aad qaadeen, dadweynaha tiisa daryeeshee, tabar iyo taagba garabkiinaan tagahanhee’ iyo sidoo kale heestii uu Alifay Allaha unaxariistee Xussen Aw-farax oo aheed “Godatada dhulkeenuu,Habeenkee gilgilatee, Gudidii hishiise, Golihii Towradee-sare” waxaa sidoo kale loo tiray heesa iyo gabaya badan oo usugu jiray kuwa dalka iyo hogaanka lagu amaanaaya lagunataageeraaya.
Hadaba golihii sare ee kacaanka markiiba waxa ay ummada soomaaliyeed usoo bandhigay waxa aydoonanayaan in ay dalka, dadka iyo diinta u qabtaan waxaan qutbad dheer oo ay ka muuqata waninimo ku faahfaahiyay Alla unaxariistee General Muxamed Siyaad barre asaga oo qodaba cadcad ummada usoo bandhigay.kuwaas oo bushada soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen, balse waxaa aad oo ganaxay guumaysigii iyo cadowgii soomaaliyeed meelkastee joogeen.
Dowladii kacaan ayaa sidagdag ugu dhaqaaday qorshaheedii waxqabadka ee gudahaa iyo dibada, Waxaana lawada ogyahay in dalka soomaaliyeed uu markiiba ku talaabsaday hormarka dagdag ah kaasi oo umada usoo hooyay sumcad iyo miisaan ee ku yeelatay aduunka gaar ahaan qaarada aan ka tirsanahay. Waxayna dowladii soomaaliyeed garab istaagtay wadamadii afrika ee gumaysigu haystay haba ugu horeeyeen kuwiin soomaalida laga haystay.
Inkastoo lasoo koobi Karin waxqabkii Dowlidii Kacaanka hadana waxaa lagamamaarmaan ah in aan is xusuusina ama is barna qodabada aan marnaba lahilmaami Karin oo kamid ahaa waxqabadkii dowlidii kacaanka kuwaasi oo ay mid ahaayeen
1: Ladagaalankii Qabyaalada iyo musuq maasuqa:
2: Qoristii Afka Soomaaliga iyo gaarsiinta dhaaman meelkaste ee soomali kunooleed
3: Xoreyntii Soomaali Galbeed iyo Taageeradii walaalaha Jabuuti iyo afrikaanka kale
4: Hergalintii dugsiyada waxbarasha oo bilaasha ahaa ilaa heer jaamacadeed
5: kahotagii iyo badbaadintii dadkii abaaraha saameeyeen
6: hergalintii warshadaha iyo wadooying waaween
7: dhiiri galintii ummada iyo qorshihii iskaa waxuqabso
8: Daryeelidii darbijiifka iyo danyarta soomaaliyeed
9: Kamidnoqonshii Ururada caalimiga ah gaarahaan Jamacada Carabta.
10: kor uqaadidii Magaca iyo milgaha soomaaliya aduunka ku leedahay
11: Abuuristii iyo dhowristii hantita ummada soomaaliyeed
Hadaba kow iyo tabankaas qodab oo kamid ahaa kumaanka qodab ee dowladii kacaanka waxqabatay mudaas ku dhow rubac qarniga ayaa umada soomaaliyeed dhaxalsiisay hormar iyo baraare aad u baaxad wayn. sidookale waxaa hubaal ah in ayjireen qaladyaala latirin kara oo dhacay sida caadada u ah bina aadmiga oo dhan balse waxaa ladhi karaa barwaaqada faraha badneed ee dadka soomaaliyeed faraha lagaleen yaa dhaxalsiisay in ay ku kibraan oo ay iska burburyaan taasi oo ilaa hada loo maara la,ayahay.
Inkasta oo dowladii soomaaliyeed ay cadaadisay ayaa waxaa ugudanbayntii xargaha goostay Dagaal oogayaashi ayagoo umma uga mabda dhigay Qabyaalada iyo naceeb waxaan lariday dowladii soomaaliyeed waxayna sababtay burbur baahsan oo ugu danbayn sababtay halaag saameeyay soomaali oo dhan meeslkasta ay ku nooleed
Allaha unaxaristii G.Jalle Muxamed siyaad barre marki uu kasiib baxayaa magaalada muqdisho asaga oo u diiday ciidamada militaryga in ay ku dhexdigalamaan ayaa waxa uu umada soomaaliyeed u jeediyay Qudbad Wacdi iyo waciid isugu jirtay asaga oo usoo marariyay Radio muqdisho asaga oo ummada soomaaliyeed uga digaaya dulmiga iyo burburka dhibaatada kadhalankarta. Abwaan Nuux Saciid Naxar oo dhab u fahamsanaa aragti gaabnimada dagaal ogayaasha iyo qiimaha Dowladnimada ayaa gabay ku cabiray sida uu xaalki noqondoona hadii Jaalle siyaad kabaxa magaalada muqdisho dagaal oogayaashana badalaan, waxaa uu yiyri asago oo waliba dhaar kumarayaa in loo darsandoona :
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaada.
Waxaan marqaati uganahay abwaanka in xaalka soomaaliyeed siduu yahay saaka uu kun jeer ka xumaaday waqtigaas. Waxaana muuqata in laqiraayaa maalinba maalinta kadanbaysa wanaagii iyo waqbadkii dowlidii kacaanka. Waxaana daliil cad u ah in Madax badan ee soomaaliyeed uu kamid yahay Madaxweyne Xassan Sheekh ay Qabrigii Jaalle siyaad Allaha unaxaristee booqasha (Ziyaara) kutageen ayaga oo u ducaynaaya. Waxaana hubaal ah in ummada badan oo soomaaliyeed uu qalbigooda ku noolyahay
Gabagabadii waxaa loo baahanayahay in ummada soomaaliyeed ay ka gudubto Gafafka iyo colaadaha, Qabyaalada iyo eexada. Waxaana loo baahanyahay in ay ugu dubto Soomaalinimo iyo walaaltimo waxaa sidoo kale ay mudantahay in ay garwaaqsato Halyeeyadii usoo halgamay waana in ay ka digtoonaata Dabadhilifka kala qaybinaaya Dhaxalkii awowyaashana cadowga siinaaya:
Adam Hajji Hussein (Dhamase)
Columbus, Ohio