Dadka Soomaalida, ayaa gacantooda ku riday Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxmed Siyaad Barre mudda haatan laga joogo ku dhawaad dhowr iyo labaatan Sano, inkasto oo markii danbe laga shalaayey talaabadaasi. Rididdaasi ayaa timid ka dib markii ay Dowladdaasi la timid arimo badan oo u cuntami waayey Shacabka Soomaaliyeed sida kali-talisnimo,diin la dagaalan,nin jecleysi,musuq-maasuq iyo eex.
Dowladdaasi, ayaa la soo baxday faktii horeba isbadal muuqda,Kaas oo taabanayey dhinacyo badan sida dhaqaalaha,Waxbarashada,Caafimaadka iyo dhismaha ciidan qaran oo xoog leh. Waxaana laga xusi karaa waxqabadkii Dowladdaasi sameytii Far-Soomaaliga iyo waliba hirgelintiisii iyo dagaalkii lagu xureynayey Soomaali-Galbeed.
Inkasto oo ay Dowladdaasi qabatay wax badan oo wanaagsan hadana markii ay xukunka ku raagtay, Waxa ay bilaawday in ay dib u cunto wax alaale iyo wixii ay qabatay, taasoo ugu danbeyn keentay in laga horyimaado, islamarkaana xukunka xoog looga tuuro,talaabadaasi oo keentay waxa maanta taagan ee ah burburbka,baaba’a iyo barakaca socda ah.
Waxkasta oo tahayba, Waxaa ugu danbeyntii la riday Dowladdii, Iyadoo aan gacanta lagu haynin wixi lagu badali lahaa iyo waliba sidii loo badali lahaa,waana khalad weyn oo ay galeen raggii Dowladdasi wax ka riday.Dad badan ayaa aaminsanaa waqtigaas in laga raysan doono Dowladdasi haddii ay meesha ka baxdo laakiin taasi ma dhicin.
Calaakuli xaal toboneeyo Sano oo dagaal sokeeye ka dib, waxaa la soo gaaray Sanadkii 2000 halkaasi oo lagu soo dhisay dowlad ku-meelgaar ah, taas oo ka kooban Madaxweyne,Ra’isulwasaare iyo Gole Baarlamaan,kuwaas oo dhamaantood lagu soo doortay nidaamka loo yaqaano 4.5
Dowladdaasi, ayaa shaqeyn weysay ka dib markii ay isbaaro u dhigteen Siyaasiyiin gacan-saar la lahaa waqtigaasi Maamullkii Xabashida ee uu hogaamin jiray Mujrimkii weynaa ee Malis Zanawi.Dhowr Sano ka dib hadana waxaa la soo dhisay dowlad kale oo ku-meelgaar ah, islamarkaana federaali, taasoo mar kale Iyadana ku timid nidaamka loo yaqaano 4.5-ka.
Dhamaan Dowladahaasi, ayaa u shaqeyn waayey sidiii loogu talogalay, ka dib markii ay ka bixi waayeen murano siyaasadeed iyo isqabqabsi awoodeed oo dhaxeeyey Madaxweyniyaashii iyo Ra’isulwasaarayaashoodii, ka dib markii ay ku guuleysan waayeey inay qoraan dastuuro si fiican u qeexayo awoodaha Madaxda sare.
Mudda haatan laga joogo ku dhawaad sedex Sano, ayaa waxaa gudaha dalka lagu dhisay dowlad kale oo aan markan ahayn mid kumeelgaar ah,Waxa ayna dowladani la wadaagtaa dowladihii Iyada ka horeeyey dhowr arimood oo ragaadiyey dowladdihii hore sida hab-dhismeedka dowladeed,nidaamka 4.5-ka iyo waliba nidaamka Federaalka ah.
Dowladdani ayaa laga qabay rajo badan, maxaa yeelay waa marka hore waa dowlad aan kumeelgaar ahayn,waa marka xige waxaa lagu dhisay gudaha dalka, waa marka sedexaade waxaa hogaanka u hayey Shaqsiyaad ka soo jeeda Bulshada Rayida sida Madaxweynaha oo kale,waa marka afaraadee waxa ay heshay fursado badan oo aan soo marin dowladdihii iyada ka horeeyey sida taageerada Beesha Caalamka oo kale laakin lagama faa’iideysan fursadahaasi oo dhan.
Shacabka Soomaaliyeed, ayaa dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay taageero la dabataagnaa wax alaale iyo wixii la dhisaba, Isagoo markaasi quudareynayey in mar un laga baxo dowlad la’aanta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay lakiin nasiib daro waxaa wali la la’yahay siyaasiyiintii wax hogaamin lahayd.
Siyaasiyinta Soomaalida, ayaa noqday kuwa isku darsaday karti-xumo,aqoondaro,dabadhilifnimo,nin jeclaysi iyo laaluush qaadasho, waxaana marag-madoonta u ah waxa ka socda Magaalooyinka Muqdisho,Baydhabo,Kismaayo,Hargeysa, iyo ugu danbey Gobolada Dhexe.
Dowladda Federaalka, ayaa lumisay taageero badan oo ay u hayeen Shacabka Soomaaliyeed ee dhiban,Waxa ayna doorbiday halkii ay dhageysan lahayd Shacabkeeda in dhigeysato dalal Shisheeye,Kuwaas oo qaarkood masuul ka ah dhibaatidii ka dhacday dalkan sida Xabashida oo kale.
Dowladdani, ayaa ku guuldareysatay dhamaan wixii loo igmaday haday ahaan lahayn dib u eegidda Dastuurka,hagaajinta Garsoorka,ka shaqeynta arimaha dib-uheshiisiinta iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo shaqeeya,Waxa ayna doorbiday halkii ay qaban lahayd shaqooyinkii loo diray in ay iyadu isku mashquusho waqtigana ku cayaarto.
Waxa ay doorbiday, halkii ka shaqeyn lahayd midnimada iyo madaxbanaanida dalka in ay dalkii sii kala qeybqeybiso taladiisiina ay u cagangeliso ururo iyo dalal cadow ku Umaddan sida Xabshida oo kale.Waxa ay Dowladdini ogolaatay in ay Soomaaliya beeciyaan Shirkado Shisheeye, islamarkaana ay Iyagu dalalaan Kheyraadkeeda.
Mar haddii ay sidan noqotay Dowladdii loo hanweynaa hadaba ma loo baahan yahay kacdoono dadweyne oo la mid ah kuwii Carabta oo kale si loo badbaadiyo dalka ?
Anigu, waxaan qabaa jawaabtu waa haa maxaa yeelay dalkan iskama lahan kooxdan yar ee damiir-laawayaasha ah,Waxaana soo jeedinayaa in aan gacanta qabano kuwan ku cayaarayo mustaqbalkeena iyo mustaqbalka awlaadeena, tusaale ahaan sidee ku dhici kartaa inaan iska daawano dowlad awoodiweysay in ay dib u fiiriso dastuurkeeda, islamarkaana saxdo wixii ka qaldan hanaankeeda dowladnimo ?
Sideen u daawan karnaa dowlad aan ka shaqeyneynin wax kaqabashada wixii loo dhisay sida abaaraha,fatahaadaha,waxbarasho la’aanta iyo dhaqaalo-xumida ? Sideen u daawan karnaa dowlad aan haynin qorshihii looga maarmi lahaa ciidamo shisheeye ? Sideen u daawan karnaa dowlad ku cayaareysa mustaqbalka dadkeeda ? mise Anagananba ahayn kuwii lahaa dalkan.
Shucuubta Caalamka, ayaa u soo baxdo waddooyinka marka ay dareemaan in uu qatari ku jiro dalkooda iyo danooda, tusaalena waxaa kuugu filan dalalka Tunisa,Masar iyo Liibiya,Kuwaas oo ka horyimid islamarkaana iska hor leexiyey kali-talisyaashii hor fadhiyey mudada dheer inkastoo markii danbe la fashiliyey kacdoonadaasi.
Shucuubka xorta ah, ayaa ka hortimaaddo madaxdeeda marka ay madaxdu ka leexato wixii la isku oga ama lagu balamay laakiin nasiibdaro, shacabka Soomaaliyeed ayaa noqday mid iska hurdo oo ay dushiisu ku cayaarto madax wax-magarad ah sida kuwa hadda hogaamiyo maamulada ka jira dalka sida Dowladda Federaalka,Somaliland,Puntland,Jubbaland iyo kuwa la midka ah.
Hadaba su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaa Shacabkan u diiday in uu la mid noqdo Shucuubta kale ee xorta ah, mise waa la haystayaal aan xor ahayn, mise wax kale ayaa jira ? Maxaa Shacabkan u diiday in ay ka dhiidhiyaan siyaasiyiinta ku cayaaraysa mustaqbalkooda ? Maxaa Shacabkan u diiday in uu kala garto ninka xun iyo ninka fiican ?
Maxaa Shacabkan u diiday in uu yiraahdo no Federaal,no 4.5,no mooshin,no khilaaf,no Jaajuus,no dabadhilif,no faragelin,no itoobiya, iyo no Kenya? Maxaa u diiday in ay yiraahdaan waxaan rabnaa hanaan dowladeed oo cusub,waxaan rabnaa dastuur cusub oo aan ka horimaaneynin diinteena iyo dhaqankeena ?
Maxaa u diiday in ay yiraahdaan ma dooneyno midnimo kala-dhantaale ? Maxaa u diiday in ay yiraahdaan ma dooneyno dowlad bilaa diin ah ? Maxaa u diiday in ay yiraahdaan ma dooneyno heybsooc iyo quursi ?.Calaa kulixaal kolay Anigu ma garan waxa Shacabkan ka dhigay habadka ee uu isaga fiirsanayo rawaayadan beenta ee lagu hayo Villa Soomaaliya,Garowe,Hargeysa iyo Kismaayo.
Gaba gabadii,Waxaan u soo jeedinayaa Shacabkan suuxsan in uu fadhiga ka kaco oo uu dantiisa garto inta ay goori goor tahay haddii kale yaanan berri la calaacalin.Ugu danbeytii, Waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda si loo badbaadiyo dalka iyo dadkaba.
1-In la dhiso ururo bulsho oo deg deg ah si loo helo dad qaban qaabiya mudaaharaadyo waaweyn.
2-In la qabto mudaaharaadyo lagu dalbanayo in ay is casilaan dhamaan madaxda Dowladdan fadhiidka ah.
3-In la qabto shirar waaweyn oo looga tashanayo hanaanka dowladeed ee ugu fiican.
4-In la sameeyo bogag ay ku wada xariiraan bulsho-weynta, sidoo kalena la furo website-yo wadani ah.
Xusuusin:Waxaa soo socda qormooyin aan kaga hadli doono arimaha ay ka mid yihiin quursiga iyo heybsooca,Waxa ay Culimada Soomaaliyeed uga aamusan yihiin dhiigan daadanayo maalin kasta iyo ugu danbeyn madax caynkeeba loo baahan yahay
W/Q:Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com (
Isha Ku Hay Allglgaduud Media
allgalgaduud@gmil.com